Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA), ayaa soo gabagabeysay dhismaha xarunta iyo rakibaadda qalabka miisaanka xamuulka ee gaadiidka, waxaana lagu rakibay Kontoroolka magaalada Boosaaso.
Qalabkan oo muhiimad weyn leh, ayaa qaban doona adeegyo ay kamid yihiin
1-Kordhinta badqabka iyo cimriga wadooyinka
2-Hubinta in gaadiidka xamuulka wata u hoggaansamaan miisaanka la oggol yahay.
3-Yaraynta burburka degdega ah ee wadooyinka.
4-Wacyigelinta darawallada iyo shirkadaha gaadiidk
Dhowaan ayaa si rasmi ah loo bilaabi doonaa cabbirka miisaanka Baabuurtu qaadaan , waxaana dhaqan geli doona tallaabooyinka dhanka sharciga ah ee lagula xisaabtami doono gaadiidka miisaanka xad-dhaaf ah qaada.
Daljir Media


COMMENTS