SSC-KHAATUMO XAGGEE LOO WADAA?
—
Garaad Jaamac Garaad Cali – 11 July 2025: “Wixii aan shalay diiday maanta ma oggolaan karo reer walaalahay ah oo dariskayga ah in aan ku sameeyo.”
—
Tan iyo go’aamadii beesha Dhulbahante ee 6dii Febraayo sannadkii 2023 iyo xoreyntii Sool 25kii Agoostii isla sannadkii 2023, waxaa beesha Dhulbahante ee gobolka Sool iyo Cayn ku bilowday cadaadisyo meelo kaladuwan ka imaanaya, badankooduna ka imaanayey dawladda Jabuuti iyo tan federaalka, gunta qorshuhuna ahaa sidii loo kala dhantaali lahaa Puntland iyo beesha Dhulbahante. Kala dhantaalka waxaa qayb ka ahaa dawlado shisheeye oo ay ugu horreeyaan Ingiriiska, Qadar iyo Turkiga, damacooduna ahaa sidii Beelaha gobolka dega looga dhantaali lahaa in ay hiil danbe ka helaan Puntland.
Dadaalo badan kabacdi, Jabuuti, Villa Somalia, Ingiriiska, Qadar iyo Turkiga oo hal dhinac ah waxay ku guulaysteen in ay kala reebaan beelaha Harti ee Geeska Afrika.
Dawladda Puntland oo aad mooddo in ay hadda ku baraarugtay qorshaha shisheeye ee la biloowday xoreyntii Goojacadde ayaa hadda waxay soo saartay war saxaafadeed. War saxaafadeedkan ayaa imaanaya kaddib markii SSC-Khaatumo ay sheegatay gobolka Sanaag ee Puntland, sheegasho lamid ah tii Somaliland ayada oo Hoggaamiye Firdhiye uu dhegaha ka furaystay go’aamadii isimada Warsangali ee gobolka Sanaag ee ahaa in aysan qayb ka ahayn SSC, markaas kabacdina la bilaabay in SSC-Khaatumo oo kaashaneysa dawladda federaalka ay colaad ka bilowdo degmada Dhahar.
Hoos ka daalaco war saxaafadeedka dawladda Puntland oo caddaynaya in ayada oo tixgalinaysa rabitaanka beesha Dhulbahante ee ah in ay noqdaan maamul gooni ah ay haddana gobolada Sool iyo Cayn iyo beelaha degaba ay yihiin Puntland.
> Daljir Media


COMMENTS