Puntland Sharciyada Qaramada Midoobay baa u ogalaanaya Inay La Wareegto Hubka Lagu Qabtay Xeebaheeda? WQ Dr. Ayub Xalane

Puntland  Sharciyada  Qaramada Midoobay baa u ogalaanaya  Inay La Wareegto Hubka Lagu Qabtay Xeebaheeda? WQ Dr. Ayub Xalane

Qore: Dr. Ayub Xalane (Gudoomiyaha Dallada PCOA)

Hordhac:

Dhacdadii ka dhacday xeebaha Puntland oo ciidanka badda ee Puntland (PMPF) ay qabteen markab si qarsoodi ah ku maraya biyaha Soomaaliya isagoo sida hub culus, ayaa si weyn u soo jiidatay dareenka bulshada Soomaaliyeed iyo warbaahinta caalamiga ah. Waxaa isa soo taraya su’aalaha la xiriira: Puntland ma xaq bay u leedahay inay hubkaas la wareegto? Ma tahay arrin sharci ah mise waa faragelin amni oo dawlad-goboleed lagu tuhmay?

Qoraalkani wuxuu ku saleysan yahay faham sharci, xaqiiq siyaasadeed, iyo duruufaha amni ee ka jira gudaha Soomaaliya. Waxaa sidoo kale lagu eegi doonaa dhacdooyin hore oo la mid ah, iyo tusaalooyin caalami ah oo taageeraya xaqa Puntland ee arrintan.


Puntland iyo Xuquuqda Biyahaheeda

Marka la eego Sharciga Caalamiga ah ee Badda (UNCLOS), dowlad kasta oo leh xeeb waxay leedahay xuquuq sharci ah oo ay ku ilaalin karto biyo gaaraya 12 mayl badeed (Territorial Waters), iyo ilaa 200 mayl badeed (Exclusive Economic Zone) oo ay si gaar ah ugu leedahay khayraadka iyo ammaanka. Puntland, oo ah dowlad-goboleed sharciyeysan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay si toos ah ugu shaqeysaa ilaalinta amniga xeebaha ay xuduud ahaan maamusho.

Sida ku cad Qodobka 25(1) ee UNCLOS, dowlad xeebeed waxay xaq u leedahay inay joojiso ama ka hortagto markab ku socda biyoheeda haddii uusan wadin “safarro nabad ah” (innocent passage). Markab siday hub, oo aan lahayn oggolaansho, waxa uu si cad u jebinayaa xeerkaas. Sidaa darteed, Puntland waxay u dhaqaaqday ficil sharci ah oo ah difaac dal iyo dad.

Hubka Qarsoodiga ah iyo Halista Soomaaliya

Soomaaliya waa dal soo kabanaya, balse wali wajahaya caqabado amni, burcadnimo, argagixiso iyo dagaalo qabyaaladeed. Hubka qarsoodiga ah ee si aan nidaam ahayn ku gala dalka wuxuu xoojiyaa kooxaha hubeysan, wuxuu daciifiyaa hay’adaha ammaanka, wuxuuna khatar ku yahay nolosha shacabka.

In Puntland ay qabato markab sida hub aan la ogayn cidda leh, kana dhuumanaya sharciga, waxay u dhigantaa in laga hortagay qorshe lagu dhibaateyn lahaa shacabka Soomaaliyeed. La wareegidda hubkaasi, ma ahan bililiqo ee waa badbaadin qarameed (national safeguarding).

Tusaalooyin Hore oo Taageeraya Ficilka Puntland

1. Baarlamaanka Somaliland (2016): Ciidamada Somaliland waxay qabteen hub laga keenay Yemen oo lagu waday in la geliyo gudaha dalka. Xukuumaddu waxay hubkaas ku sheegtay “mid sharci darro ah oo khatar ku ah nabadgelyada.” Waxaa loo adeegsaday si loo xoojiyo hay’adaha ammaanka.

2. Kenya (2014): Ciidamada Badda Kenya waxay qabteen markab siday hub aan fasax lahayn oo lagu waday Soomaaliya. Dowladda Kenya waxay ku andacootay in “sida sharciga caalamiga ah qabo, dowlad xeebeed kastaa xaq u leedahay inay la wareegto wixii khatar ah ee galaya biyahaheeda.”

3. Nigeria (2017): Ciidamada badda Nigeria waxay qabteen markab siday hub sharci darro ah. Dowladda waxay sheegtay in “hubkaasi lagu wareejin doono laamaha ammaanka qaranka si looga hortago kooxaha hubeysan.”

Tusaalooyinkaas waxay muujinayaan in dowlad kasta oo xeeb leh, oo xasiloonideedu aanay buuxsamin, ay xaq buuxa u leedahay inay si toos ah ula wareegto hub sharci darro ah si ay u ilaaliso degganaanshaha iyo karaamadeeda.

Sababta Puntland U Leedahay Xaq Buuxa Inay Hubkaas La Wareegto

1. Sharciga Badda: Marka uu markab si qarsoodi ah ugu galo biyaha Puntland isagoo siday hub, wuxuu jabinayaa Qodobka 17 iyo 25 ee UNCLOS. Puntland waxay xaq buuxa u leedahay inay joojiso, baarto, islamarkaana la wareegto wixii khatar ah.

2. Duruufaha Amniga Soomaaliya: Puntland waxay ku jirtaa xaalad amni oo xasaasi ah. Waxaa ka hawlgala kooxo hubeysan sida Al-Shabaab, Daacish, kooxaha burcad-badeedda iyo jabhado siyaasadeed. In la joojiyo hub ay heli lahaayeen kooxahaasi waa mas’uuliyad dastuuri ah.

3. Qaranimada Soomaaliya: Puntland ma ahan hay’ad gaar ah ee waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Marka ay ilaalineyso xeebteeda, waxay difaaceysaa Soomaaliya. Markii dowladda dhexe aysan awoodin inay tallaabo qaado, waa waajib in dowlad-goboleed u istaagto.

4. Isku Filnaansho Amni: Puntland waxay leedahay ciidan badeed gaar ah (PMPF) oo si sharci ah u suga amniga badda. In ay qabtaan hub sharci darro ah waa guul muujinaysa awood amni iyo karti dowladnimo.

Xeerka Hubka Ee Qaramada midoobay Ee somalia

Cunaqabateynta hubka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay weli kama aysan dhammaan si buuxda – gaar ahaan marka la eego hubka culus ama ka baxsan isticmaalka rasmiga ah ee ciidamada dowladda.

Laakiin waxaa muhiim ah in la fahmo in:

1. Qaramada Midoobay si tartiib tartiib ah u fududeysay cunaqabateynta hubka Soomaaliya

• 2013 (UNSC Resolution 2093): Golaha Ammaanka wuxuu oggolaaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya loo fududeeyo in ay keensato hub si ay u dhisto ciidamadeeda, balse waxay ahayd in la wargeliyo Guddiga Qaramada Midoobay ee la socdo.
• 2022 (UNSC Resolution 2662): Waxaa si rasmi ah looga qaaday cunaqabateynta hubka ee ku saabsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya (Somali National Army – SNA), laakiin hubka culus, hubka aan si rasmi ah loogu wargelin Qaramada Midoobay, ama hub aan lagu socodsiin nidaam dowladeed wali waa mamnuuc.
• Puntland ma heli karto hub si rasmi ah haddii aysan jirin oggolaansho kasoo baxay dowladda dhexe, ama loo marin waayo nidaamka Qaramada Midoobay.


2. Maxaa la mamnuucay wali?

Waxaa wali ka mamnuuc ah Soomaaliya (oo ay ku jirto Puntland):
• Hub culus oo si toos ah loo soo dejiyo (tanks, RPGs, anti-aircraft weapons, iwm) iyadoo aan la marin nidaamka UN-ka.
• Hub ay helaan kooxo aan dowlad ahayn, gaar ahaan kooxaha hubeysan sida Daacish, Al-Shabaab, ama jabhado maxalli ah.
• Qalab ciidan oo aan lala socodsiin Guddiga Cunaqabataynta UN-ka.

3. Haddaba maxaa loola jeedaa “Puntland sharci bay u leedahay inay la wareegto hubkaas”?

Waxaa la micno ah:
• Haddii markab si qarsoodi ah ugu soo galo biyaha Puntland isagoo siday hub sharci darro ah, waxaana uusan keenin wargelin dowladeed, Puntland waxay xaq sharci ah u leedahay in ay qabato, baaro, islamarkaana ka hortagto, maadaama:
• Puntland ay qayb ka tahay dowladda Federaalka,
• Puntland ay la dagaallamayso argagixisada sida Daacish,
• Puntland ay ilaalinayso amniga qaranka,
• Marka hub aan la wargelin uu soo galo waa jebinta sharciga Qaramada Midoobay laftiisa, maadaama loo baahan yahay diiwaangelin iyo wargelin rasmi ah.

Gabagabo

Gabagabo
La wareegidda hubka lagu qabtay xeebaha Puntland, waa mid si buuxda uga turjumeysa xaq sharci ah, mas’uuliyad qaran, iyo u hoggaansanaan xeerarka caalamiga ah. Ma aha bililiqo, mana ahan faragelin, ee waa badbaadin ka dhan ah qatarta hubka sharci darrada ah.

Puntland waxay caddeysay inay tahay dawlad-goboleed leh karti ay kula xisaabtanto cid kasta oo ku xad-gudubta xeerarka badda iyo nabadgelyada. Waxay sidoo kale tusisay beesha caalamka in Soomaaliya wali ay u baahan tahay maamul heer gobol oo leh aragti, feejignaan iyo u heellan difaaca dalka.

Hubkaasi Puntland xaq bay u leedahay, sharci bay u leedahay, waajib bay u tahay inay la wareegto. Waa hub Puntland Lee dahay oo laga badbaadiyey gacmo khaldan inay u adeegsadaan Dowlad dhiska soamliaya

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com