Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo kulan la qaatay Warbaahinta gobolka si uu uga warbixiyo qabsoomida Shirka Horumarinta Gobolka Mudug

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo kulan la qaatay Warbaahinta gobolka si uu uga warbixiyo qabsoomida Shirka Horumarinta Gobolka Mudug

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade, oo maanta la kulmay Warbaahinta gobolka si uu uga warbixiyo qabsoomida Shirka Horumarinta Gobolka Mudug ayaa sheegay in aan wali la isku waafaqin qabsoomidda shirkaas.

Guddoomiyaha ayaa arintaan ku sheegay sababo la xiriira arrimo farsamo iyo is-faham la’aan ka dhalatay habka uu u socdo qabanqaabada shirka. Waxa uu sheegay in kooxda qabanqaabinaysa shirka ay diideen in ay soo gudbiyaan ajandaha rasmiga ah ee shirka, ka qaybgalayaasha, iyo sidoo kale qaabka maamulka shirku u dhici doono.

Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in ay tahay caqabad weyn oo hor taagan hufnaanta iyo isla-xisaabtanka ku aaddan howsha shirweynaha, isagoo xusay in maamulka gobolka uu leeyahay masuuliyad cad oo ku saabsan in la ogaado qorshaha iyo jihada uu shirku u socdo.

“Ma diidani shir horumarineed, balse waa in aan ogahay waxa shirku ku saabsan yahay, cidda ka qaybgalaysa, iyo habka maamulka shirku uu ku soconayo,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Sidoo kale, guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xukuumadda gobolka Mudug ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato dhammaan dadaallada horumarineed ee gobolka. Balse geeddi-socodka shirku uu ahaado mid daahfuran, wada-tashi ku dhisan, islamarkaana loo dhan yahay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com