PUNTLAND OO SIIDAYSAY MARKABKII HUBKA SIDAY KADIB SAFIIRKII TURKIGA EE SOOMAALIYA IYO WAFTI UU HUGGAAMINAYO OO TAGAY BOSSASO
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş. Safarka Waftiga Dowladda Turkiga ayaa daba socday xiriir muddo u dhexeeyey Dowladda Puntland iyo Turkiga oo la xariira Markabka MV Sea World iyo shixnadda saaran, iyadoo Dowladda Turkiga ay la wadaagtay Dowladda Puntland cadeymaha in ay leeyihiin dhammaan hantida saaran.
Dowladda Puntland oo ka duulaysa cadeymaha ay soo gudbisay Dowladda Turkiga iyo baaritaankii lagu sameeyay Markabka iyo Shixnada uu sido ayaa go’aansatay in masuuliyadda Markabka MV Sea World iyo hantida saaranba lagu wareejiyo Dowladda Turkiga.
MV SEA WORLD RELEASED AMID UNRESOLVED OWNERSHIP CLAIMS
Puntland Releases MV Sea World Arms Ship Following Turkish Diplomatic VisitWhile no official public documentation has been released confirming that the weapons aboard the MV Sea World belong to the Turkish government,… https://t.co/PvSxTcxtmW
— Daljir Media (@radiodaljir) August 4, 2025
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND


COMMENTS