Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Deni oo uu weheliyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Axmed Saciid ayaa maanta kulan qado sharaf ah ku maamuusay wafdi ka socda Gobollada Sanaag, Haylaan iyo Bari, oo ay hoggaaminayaan Isimada Dhaqanku.
Gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa haatan waxaa sheeganaya dawladda cusub ee Waqooyi Bari oo haatan doorashadeeda Madaxweyne ka socoto magaalada Laascaanood.
Puntland iyo Somaliland oo hore ay ugu dhexeeyeen colaad sheegasho dhuleed ayaa haatan waxaa saddexeeyey SSC-Khaatumo oo u xuubsiibatay Waqooyi Bari Soomaaliya.
Credit: Puntland State House
> Daljir Media


COMMENTS