Booliska xaafada 5aad ee Degmo-Hoosaadka Qoordheere ayaa gacanta ku soo dhigay 5 xubnood oo ay ku soo qabteen fafal xatooyo mobilo ah, ayadoo Boolisku dib ugu wareejiyey dadkii lahaa Mobilada
Dhanka kale waaxda baadhista Booliska Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa maanta ku wareejiyay gabadh Mobil Iphone ah laga xaday, Kadib markay Boolisku sameeyeen baadhitaan dhanka GPS-ka ah taas oo ay ku ogaadeen Eedaysanihii mobilka xaday goobta uu ku sugan yahay. Booliska ayaana sheegay in ay dhamaan Eedaysaneyaasha sharcigana la hor geyn doono.
> Daljir Media | Wariye Jamarti


COMMENTS