Sida ay qorayaan warbaahinta Israal, waxaa Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Shaarica (al-Golani) iyo Israa’iil u socda wada xaajood gabagabo ah, ayna ku macneeyeen mid taariikhi ah.
Sida warbaahintu qorayso, qodobada heshiiska waxaa kamid ah in aan Ciidan xoogga dalka Suuriya dib danbe loo yagleenin, iyo in kooxaha hubeysan ee ka hawlgala Buuraha Golan hubka laga dhigo.
Sida ay qorayaan falaanqeeyayaasha siyaasadda Bariga Dhexe, markii uu hirgalo heshiiska Suuriya iyo Israal wuxuu noqon doonaa miradhalkii ugu horreeyey ee bilowga ‘Greater Israel’ ama Israa’iil tun weyn oo is haysata Badda Midhatareeniyaanka, Wabiga Yufreetas illaa Gacanka Beershiya ee xudduuda Iran. Dhanka Masar iyo Sucuudiga, Israal ayaa hadda sheegata in Qasa kabacadi ay.qabsan doonaan saxaraha Masar ee Siinaay illaa qaybo badan oo dhulka Sucuudiga iyo badi dalka Ciraaq.
> Daljir Media


COMMENTS