Garoowe: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Mudane Iliyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wefti ka socday xarunta East Africa Consulting & Advisory ee Dalka Jarmalka.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha horumarka, iskaashiga labada dhinac iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland kuwaasi xaruntani galaangal iyo u qareemid uga samaynayso Dowladda Jarmalka.
Madaxweyne Kuxigeenku wuxuu wafdiga uga mahadceliyey booqashadooda iyo danaynta ay u muujiyeen iskaashiga, maalgashiga iyo horumarinta Puntland.
> Daljir Media


COMMENTS