Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo qaabilay wefti ka socda Hay’adda UNICEF

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo qaabilay wefti ka socda Hay’adda UNICEF

Garoowe: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socda Hay’adda UNICEF oo ay hoggaaminaysay Marwo Sandra Lattouf, Wakiilka Cusub ee UNICEF ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga wada hadlay adkaynta iskaashiga ka dhexeeya Dowladda Puntland iyo UNICEF, gaar ahaan dhinacyada mashaariicda horumarinta bulshada, adeegyada bini’aadantinimo, iyo dardargelinta hawlaha hay’addu ka waddo gudaha Puntland.

Waxa kulanka qayb ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda oo metelaya Wasaraddaha wada-shaqaynta la leh Hay’adda UNICEF.

Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com