BARAKAC HORLEH OO DALKA KA DILLAACAY
Maqaal aad u xiisa badan oo qoraaga ‘Warsame Digital Media (WDM)’ Ismaaciil Xaaji Warsame uu maanta soo saaray ayaa taabanaya barakac xooggan oo dalka ka socda, Soomaalida iyo madaxdooduna ay toos isaga indhatirayaan.
Ismaaciil ayaa qoraalkiisa ku bilaabay in ay jiraan warar si xad dhaaf ah u faafaya—oo aan la iska indho-tiri karin—sheegayana in Soomaalidu ay boorsooyinkooda xirxirteen, kana guurayaan dalkooda, ayaga oo u cararaya dalal shisheeye. Meelaha loo cararayo ayuu ku sheegay Qaahira, Istanbul, Nairobi, iyo Dubai.
Haddaba maxaa sababay in shacabku dalkooda ka cararaan? Ismaaciil wuxuu leeyahay noloshii dadka Soomaaliyeed waxay isu beddeshay wax aan la aqbalin karin, sicir-barar cirka isku shareeray, amni xumo baahsan, iskuullo been ah oo shahaadooyin la iibiyo, iyo dagaallo siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka (FGS) iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka (FMS). Meelna maanta Soomaali uma fayooba ayuu Ismaaciil leeyahay.
Ismaaciil oo ka dayrinaya kuwa haya talada dalka ayaa isweydiiyey, ‘Maxaa ka xun barakaca laftiisa?’ Wuxuu yiri waxaa ka sii xun “Aamusnaanta kuwa sheegta inay yihiin hoggaamiyeyaal.” Wuxuu ku sii daray, “Ma jirto hay’ad dowladeed oo hal eray ka tiri arrintan murugada leh. Eray ma jiro, qorshe ma jiro, xitaa war-saxaafadeed sida kuwa kale u madhan ma jiro oo weli ma ay soo saarin.”
Ismaaciil ayaa taas ku sababeeyey in madaxda Soomaalidu ay ku “mashquulsanyihiin boobka miisaaniyadda gargaarka, tirinta kuraasta beelaha, iyo khiyaanooyinka siyaasadeed.”
Ismaaciil ayaa ku talinaya, “Hoggaanka talada haya waa in lala xisaabtamaa. Haddii aanay awoodin inay xasiliyaan qiimaha nolosha, waa inay joojiyaan sheegashada hoggaanka. Haddii aanay amni keeni karin, waa inay xafiisyada banneeyaan oo cid kale fursad la siiyo. Haddii aanay waxbarasho siin karin jiilka soo koraya, ma dhisayaan dal—waxa ay burburinayaan mid jira. Haddii xitaa aanay awoodin inay yareeyaan culayska biilasha korontada iyo biyaha, ugu yaraan ha abuuraan nidaam iskaashi dadweyne oo qiimaha lagu dhimo si qoysaska caadiga ah u helaan neefsi.”
Maqaalka oo afka Ingiriiska ku qoran halkan riix
> Daljir Media


COMMENTS