SHIR DEGDEG AH OO HOGGAAMIYAYAASHA CARABTA OO KA DHACAYA DOOXA: CARABTU XIRIIRKA MA U JARI DOONTAA ISRAA’IIL?
Wargeyska Al-Araby Al-Jadeed ee ka soo baxa dalka Qadar, oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah, ayaa qoray in shir degdeg ah ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaasha Carabta iyo dunida Islaamka, shirkuna uu maalinka Isniinta ka dhici doona magaalada Dooxa ee dalka Qadar.
Shirka ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan go’aamo adag oo looga jawaabayo weerarkii fashilmay ee Israa’iil ay ku qaaday Qadar, kuna beegsatay hoggaamiyayaal dagaalyahanada Falastiin, ayna ku dhinteen muwaadiniin reer Qadar. Wargayska ayaa goray suurtagalnimada go’aanno muhiim ah oo dawladaha Carabtu xiriirka ugu jarayaan Israa’iil.
Maxay kula tahay oo Carabtu go’aan heerkaas gaarsiisan ma gaari doonaan, mise gaari karaan? Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media


COMMENTS