MAREYKANKA OO MAR KALE DAANDAANSANAYA AFQANISTAAN, DAGAALANA KA BILAABAY DAAFAHA DUNIDA
Qorshaha Masar ee Gaashaanbuurta Caalamka Islaamka ma Hirgali Doonaa?
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si kibir ka muuqdo uga dalbaday Afqanistan in ay ku wareejiso xerada ciidamada cirka ee loo yaqaan ‘Bagram Airbase.’ Waa isla Mareykankii sannadkii 2021 ay Afqanistaan xoog uga saartay dalka.
Mareykanka ayaa si sharci-darro ah Afqanistaan ugu duulay sannadkii 2001, dagaal kulul oo socday muddo dhan labaatan sano kabacdina xoog ayaa looga saaray Afqanistaan.
Trump ayaa ku andacoonaya in Mareykanku dhisay Bagram Airbase, laakiin saldhigga waxaa dhisay Midowgii Soofiyeetka sannadkii 1950, waana saldhiggii ugu weynaa ee Soofiyeetku isticmaalayey duullankiisii Afqanistaan sannadihii 1979 illaa 1989. Trump ayaa sheegay in uu rabo in uu Bagram Airbase u isticmaalo si uu ugu dhawaado xarumaha nukliyeerka ee Shiinaha, wuxuuna waayahaan ku goodinayey in uu go’doomin doono Shiinaha, uusana oggolaan doonin in ay ka hormaraan Mareykanka.
Dhanka Koonfurta Ameerika, Mareykanka ayaa wada tabaabusho uu ku duulayo dalka Venezuela oo saaxiib dhow la ah Ruushka, Shiinaha iyo Iran.
Dhanka Bariga Dhexe, waxaa weli socda duullaanka Israa’iil ee Qasa, Lebanon iyo Suuriya, waxaana Mareykanku hadda Israa’iil u fasaxay hub lagu qiimeeyey $6 bilyan USD. Hubkaas ayaa lagu macneeyey in uu yahay mid loo isticmaali doono duullaanka dhawaan lala damacsanyahay Iran, iyo waliba sida falaanqeeyayaasha qaar sheegayaan Masar iyo Turkiga.
Sucuudiga oo hore xiriir aad u dhow oo difaac la lahaa Mareykanka waxaa cashar u noqday duullaanka Israa’iil ee Qadar waxa uuna maalmo kahor heshiis difaac oo wadajir ah la saxiixday Pakistan. Heshiiska difaac ee Sucuudigu la galay Pakistan oo ah dalka kaliya ee Muslinka ah ee ku hubeysan nukliyeer waxa uu qorayaa haddii labada dal mid kamid ah la wareeraro waxay ka dhigantahay kan kale oo la soo weeraray.
Waxaa kale oo la saadaalinayaa in uu sii xoogaysto xiriirka ka dhexeeya Iran iyo Sucuudiga oo Shiinuhu hore heshiis u dhexdhigay, waxaana istaagay borobagaandadii Sucuudiga ee ka dhanka ahayd dadka Muslinka ah ee Shiicada.
Haddii ay sii kordhaan weerarada Israa’iil iyo Mareykanka ee ka dhanka ah dalalka Muslinka, waxaa la saadaalinayaa sida ay Masar u soo jeedisay shirkii Dooxa ee dhawaan, laakiin se lagu diiday, in la abuuro ciidamo gaashaanbuur oo caalamka Islaamka, lehna hal hoggaan.
Sida ay sheegayaan taariikhyahanada adduunka, dagaalkii saddexaad ee adduunku waa socdaa, wuxuuna ka bilowday Ukraine iyo Bariga Dhexe, haddaba dadka iyo ganacsatada Soomaaliyeed diyaar ma u yihiin dagaalada ba’an ee dhawaan la filayo in ay sii fidaan, kana qarxaan dhammaan daafaha dunida?
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media


COMMENTS