DAMBIILAYAAL CARRUURTA KUFSADA OO MAANTA XAMAR KA SOO DEGAYA
WAR-SAXAAFADEED DEGDEG AH: Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo saaka soo saaray warbixin degdeg ah ayaa dawladda Sweden ku eedeeyey in galabta 5pm ay Gegida Aden Cadde ka soo dajineyso dambiilayaal laga soo daabulay xabsiyada Sweden.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dambiilayaasha galabta Xamar ka soo degaya uu ku jiro dambiile hay’adda INTERPOL ugu eedeysan mid carruurta ugaarsada oo xoog ku kufsada, aysan innabana habooneyn in uu bulshada la noolaado, ama uu ka agdhawaado carruurta. Waxaa kale oo ku jira dambiilayaal lagu soo oogay danbiyo ay ka midyihiin kufsi carruurta, kufsi haweenka, dhac qori caaraddiis, iyo danbiyo kale oo keenaya burburin bulsho, sida ay Sweden ku soo oogtay.
SOMALIA BECOMES DUMPING GROUND FOR EUROPEAN PEDOPHILES
FGS MP Abib @MPDrAbib on government of Sweden dumping child predators in Mogadishu: “On Monday, September 22, 2025, at 5:00 p.m., a Swedish government plane “Special Plane without Manifesto” is scheduled to land in… https://t.co/l5xnLEPbDm
— Daljir Media (@radiodaljir) September 22, 2025
Haddaba sidee ku dhacday in dambiilayaal dhalashadoodu Iswiidish tahay oo ku jira xabsiyo Sweden in lagu soo daadsho jidadka Xamar?
Sida uu sheegay Xildhibaan Abiib, waxaa heshiis wada galay Axmed Daahir iyo Kamaal Guutaale oo labaduba ka shaqeeya Xafiiska RW Xamsa Cabdibarre iyo waliba Agaasimaha Guud ee Xafiiska Socdaalka Yaxye Xaaji. Saddexdaas masuul ayuu Xildhibaan Abiib sheegay in ay heshiis la galeen dawladda Sweden, ayna dambiile kasta oo laga soo dajiyo Xamar ay dawladda Soomaaliya ku qaadaneyso $45,000. Waa 28 danbiile, wadarta lacagta Sweden laga qaatayna waa $1,260,000 USD.
Xildhibaanka oo la hadlaya dawladda Sweden iyo dawladaha kale ee Yurub ayaa u sheegay in Soomaaliya aysan ahayn qashinqub. “Idin ka yeeli mayno in inta aad laaluushtaan masuuliyiin wada musuqmaasuqayaal ah aad dambiilayaashiina, kufsadayaashina, iyo kuwa carrurta kufsada aad dalkeena ku soo masaafurisaan. Waa kibir gumeyste kii ugu darnaa, idin kana yeeli mayno,” ayuu Xildhibaan Abiib u sheegay dawladda Sweden.
Xildhibaanka ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey, “Dadka Soomaaliyeed ma cafin doonaan kuwa dadkoodii iyo dalkoodii khayaanay, taariikhduna xasuus gaar ah bay u yeelan doontaa.”
Dhegayste, akhriste, iyo daawade, nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaaga ku aaddan dhibkan cusub oo Soomaali oo awal dhibaneyd maanta u soo siyaaday.
> Daljir Media


COMMENTS