SHIINAHA & MAREYKANKA OO ISKU QALAB-QAATAY

SHIINAHA & MAREYKANKA OO ISKU QALAB-QAATAY

SHIINAHA & MAREYKANKA OO ISKU QALAB-QAATAY

Xiriirka ganacsi ee Shiinaha iyo Mareykanka oo horay meel xun uga daganayey ayaa saacado kahor cirka isku shareeray kaddib markii Shiinuhu mamnuuceen dhoofinta macdanta naadirka ah ee loo yaqaan ‘rare earth minerals,’ muhiimkana u ah raadaarada iyo hubka casriga ah.

Donald Trump oo arrinkaas ka qarracmay ayaa qoraal uu saacado kahor soo dhigay bartiisa wuxuu Shiinaha ku eedeeyay in ay muujiyeen colaad aan caadi ahayn ayna Mareykanka ka mamnuuceen macdan u muhiim ah. Trump ayaa sheegay in uu ka baaqan doono kulan hore loo qorsheeyey oo uu la yeelan lahaa Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping.

Trump ayaa ku goodiyey in uusan waxba la hari doonin, Shiinahana uu meel uga soo hari doono, aadna u siyaadin doono tariifooyinka uu saaro badeecadaha Shiinaha. Mareykanka ayaa meel cidla ah hadda taagan oo aan aqoon wax tallaabo kale ah oo uu ka qaadi karo Shiinaha.

Shiinaha oo sii adkaynaya dagaalka ganacsi ee Mareykanka ayaa joojijay in uu dalagyada ka soo go’a beeraha Mareykanka gato, una wareegay dhanka Brazil, Argentina iyo waliba Ruushka. Beeralayda Mareykanka ayaa hadda bakhaaraddu u buuxaan, la’na meel kale oo ay u suuq geeyaan dalagooda.

Indhawaalaba Mareykanka ayaa ku goodinayey in uu go’doomin doono Shiinaha, uuna dagaal u diyaargaroobayo. Lama yaqaan saadaasha laakiin waxaan caad saarneyn in xiriirka Shiinaha iyo Mareykanku uu caawa galay jawi colaadeed.

Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

https://www.facebook.com/share/p/1AAHckK8Uo/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com