Zohran Kwame Mamdani oo la Filayo in loo Doorto Duqa Magaalada New York ee Carriga Mareykanka
Haddii ra’yi ururinta doorashada maanta ee New York ay sax noqoto sida la filayo, Mudane Mamdani waxaa la filayaa in uu guul taariikhi ah ka soo hoyiyo doorashada maanta ee New York, isagoo la filayo in uu noqdo duqii ugu horreeyey ee Muslin ah ee magaalada caasimadda maaliyadeed ee Maraykanka, isla markaasna ah magaalada ugu dadka badan Mareykanka.
Zohran Kwame Mamdani oo la Filayo in loo Doorto Duqa Magaalada New York ee Carriga Mareykanka
Haddii ra’yi ururinta doorashada maanta ee New York ay sax noqoto sida la filayo, Mudane Mamdani waxaa la filayaa in uu guul taariikhi ah ka soo hoyiyo doorashada maanta ee New York,… pic.twitter.com/wYy2bX0qxv
— Daljir Media (@radiodaljir) November 4, 2025
New York oo ah magaalada ugu Y’uhuud badan dalka Mareykanka, gacantana ku haya dhaqaalaha magaalada, aadna uga soo horjeeda in Mamdani la doorto, ayaa la filayaa doorasho kabacadi in uu wajaho caqabado badan oo ay ugu horreeyan Booliska magaalada New York. Si lamid ah magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka, Booliska New York iyo hoggaankiisa waxaa lagu soo tababaraa Israal, hoggaanka booliskana waxaa wada haya saraakiil taabacsan siyaasadda Talabiib. Booliska oo hoosyimaada Duqa New York ayaa haddii la doorto Mamdani waxaa la filayaa in ay ku amar-diidaan. Waxaa kale oo jira shakiyo badan oo isa soo taraya oo Mamdani noloshiisa loogu hanjabayo.
Laakiin waxba waxbay ka horreeyaan e marka hore Mamdani ha soo hoyiyo guusha la saadaaliyey, meelna ha uga soo haro hanjabaadaha Trump.
Doorashooyinka maanta ee Mareykanka ee xasaasiga ah New York kaliya ma aha ee sidoo kale magaalada Minneapolis ayana waxaa socda doorashada Duqa Degmada, waxaana la filayaa in uu ku guulaysan doono ‘Mamdaniga Soomaaliga’ ee Cumar Fataax. Daljir Isha ku hay oo ha ka fogaan.
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media


COMMENTS