BARAARUJINTA DALJIR: ‘PSYOP-KA’ & DANAHA REER GALBEEDKA OO NOQDAY ‘LA JOOJIYAANA BANNAAN LA JIIFIYAANA BANNAAN’

BARAARUJINTA DALJIR: ‘PSYOP-KA’ & DANAHA REER GALBEEDKA OO NOQDAY ‘LA JOOJIYAANA BANNAAN LA JIIFIYAANA BANNAAN’

BARAARUJINTA DALJIR: ‘PSYOP-KA’ & DANAHA REER GALBEEDKA OO NOQDAY ‘LA JOOJIYAANA BANNAAN LA JIIFIYAANA BANNAAN’

Tan iyo hanaqaadkii baraha bulshada, waxaa aad u soo batay xeelad maamulka maskaxda oo loo bixiyey ‘PSYOP’ oo dawladaha reer Galbeedku isticmaalaan si ay u maamulaan maanka shacabka. PSYOP (Saay-op) waxay u taagantahay ‘Psychological Operation,’ waana xeelad lagu maamulanayo fikirkaaga, dareenkaaga iyo waliba hab anshaxaaga, si loo gaaro natiijada dad iyo dal looga danleeyahay.

Tusaale: 24ka saac maalin kasta waxaad ‘timeline-kaaga’ ku arkaysaa Soomaali qabiil-qabiil isku caayeysaa, oo midba midka kale ka daranyahay. Haddii aad mid dhegysato, timelinekaaga waxaa buuxinaya kuwaa iyo kuwo ka daran. Iskama dhacdo ee sabab bay ku dhacdaa illaa laga gaarayo natiijada loo danleeyahay oo ah Soomaali kala tagta. Hadde ogow ma aha wax aad adigu dooratay ee waa wax laguu soo doortay.

Tusaale kale oo aan lala gabban baa asna ah waxa loogu yeeray ‘Na^zism.’ Waxaa la soo maray oo taariikhda lagugu baray in fikirkaas yahay fikir qaldan, laakiin maanta bal timelinekaaga Iska daa e codkii ugu dambeeyay ee Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa xakamaynta ammaanta Nazism‑ka ayaa 14kii Noofambar 2025 ka dhacay magaalada New York. Maanta, sida Mareykanka iyo Ingiriisku na barayaan fikirkaas wax dhib ah ma leh, Goluhuna ma dhaliili karo oo waa in Ruushka lala dagaalaa haddii uu wax ka sheego naadsiga.

Haddaba ogow waxa aad badi si joogto uga aragto timelinekaagu ma aha dhab ee waa wax loogu talagalay in lagu maamusho maankaaga, fikirkaaga, dareenkaaga, iyo waliba anshaxaaga. Waxa aad aragtaa wada dhab ma aha ee ka digtoonoow.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com