‘PSYOP-KII’ LALA DAMACSANAA MALI OO DHICISOOBAY

‘PSYOP-KII’ LALA DAMACSANAA MALI OO DHICISOOBAY

‘PSYOP-KII’ LALA DAMACSANAA MALI OO DHICISOOBAY

Tan iyo bilowgii Siteenbar illaa bilowgii bishaan Noofembar waxaa dawladaha Faransiiska iyo Mareykanku iyo waliba dhammaan warbaahinta reer Galbeedku, ayaga oo adeegsanaya ‘PSYOP’, geed dheer iyo mid gaaban u fuleen sidii dadka reer Mali ay uga dhaadhicin lahaayeen in dawladoodii dhicisowday, caasimada Bamoko ayana ay qarka u saarantahay in ay la wareegaan argagixisada al-Qaacida ee JNIM (Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin).

PSYOP-ka ayaa biloowday kaddib markii uu socon waayey qorshihii weerarada tooska ah ee la rabay in argagixisadu la wareegto caasimadda Bamoko, wuxuuna ku bilowday argagixisada oo gubtay gaadiidka shidaalka ka keena Senegal iyo Ivory Coast. Si loo khalkhaliyo shacabka reer Mali, warbaahinta reer Galbeedka ayaa PSYOP-ka ku bilowday warar beenabuur ah oo sheegaya in argagixisadu hareereysay caasimadda, dalkuna yahay shidaal la’aan. Waxaan la amray in dhammaan ajnabigu ka baxaan Bamoko kahor inta aan argagixisadu la wareegin.

Laakiin PSYOP wuxuu socon karaa illaa xad, wuxuuna sii socon karaan markii ay jiraan bulsho hore loo kala qaybiyey, taasna marna kama ay suurtoobin dalalka Saaxilka ee Mali, Niger iyo Burkina Faso.

Xaggee ku danbeeyey PSYOP-kii reer Galbeedku?

Ciidamada Mali waxay abbaareen aagaggii argagixisadu u galeen gaadiidka shidaalka, dagaal dhowr maalmood socdayna waxa ay xoreeyeen dhammaan boholihii ay ka soo duulayeen. Waxaa hadda si isdabajoog u imaanaya Bamoko iyo deegaanada ka agdhow gaadiidkii shidaalka oo badqaba, waxaana jidadka laga gurayaa meydadka argagixisada. Shalay oo u dambeysay waxaa isa soo dhiibay in ka badan 235 argagixisada JNIM.

PSYOP-kii reer Galbeedku waa dhicisoobay, illaa iyo haddana ma jirto warbaahin reer Galbeedka oo faafisay jabka argagixisada al-Qaacidada Saaxilka.

Dadka Soomaaliyeed ma ka xoroobi karaan PSYOP-ka daran ee kaga imaanaya waddamada Khaliijka, Mareykanka Ingiriiska iyo dhammaan waddama reer Galbeedka? Xataa haddii aysan ka xoroobin karin suurtagal ma tahay in qofka Soomaaliga ah fahmo in loo socdo asaga oo aan ka warqabin sidii loo maamulan lahaa maankiisa, fikirkiisa, dareenkiisa iyo anshaxiisaba?

Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com