HABDHAQANKA FOOSHAXUN EE DAWLADDA PUNTLAND ULA DHAQANTO ARGAGIXISADA & DAMBIILAYAASHA

HABDHAQANKA FOOSHAXUN EE DAWLADDA PUNTLAND ULA DHAQANTO ARGAGIXISADA & DAMBIILAYAASHA

HABDHAQANKA FOOSHAXUN EE DAWLADDA PUNTLAND ULA DHAQANTO ARGAGIXISADA & DAMBIILAYAASHA

Puntland waxaa ka jira gaabisyo badan oo dawlo, kuwo muuqda oo qof kasta arka iyo kuwo dahsoon oo aan cidina ka warhayn.

Farriimo badan oo naga soo gaaraya bulshada Puntland dartood, caawa waxaan shacabka iyo dawladda Puntland la qaybsaneynaa habdhaqan foolxun oo dawladeed, oo askar, madax, booliis illaa maxkmado ay ula dhaqmaan DAMBIILAYAASHA ku eedaysan danbiyo waaweyn, sida argagixisada iyo dilayaasha.

Aan laba tusaale idin la qaybsano iyo sida ay u kala danbeeyeen:

Tusaalaha koowaad: Markii la qabto argagixiso la ogyahay in ay laayeen ciidamo Puntland, waxaad arkaysaa askartii qabatay oo la qoslaysa iyo dilaagii oo dhexda uga jira oo aan habayaraatee jeebeysneyn, oo dhexda uga jira askarta, oo aadba mooddo in uu askarta saaxiib la yahay. Gardaduub loo jeebayn mayo oo inta dhexda la gashado baa lala qoslayaa, oo xataa loo keenayaa Wasiir la sheekaysta. Wiilka argagixisada ah ee ku eedaysan dilka askarta iyo shacabka Puntland waaba qoslayaa oo caag biyo ah buu wasiirka iyo askarta la dhex mushaaxayaa.

Bal xaggee adduunka lagu arkay danbiile aan gardaduub u jeebeysneyn oo askarta la qoslaya?

Tusaalaha labaad: Dambiilayaasha reer Puntland ee ku eedaysan dilal foolxun, sida ninka iyo naagtii sida fooshaxun u dilay Saabiriin Saylaan waxaad arkaysaa ayaga oo aan jeebaysaneyn oo maxkamadda ku dhex qoslaya. Kala garanmaysid dilaaga iyo shacabka maxkamadda u yimid sidii Saabiriin caddaalad loogu heli lahaa.

Haddaba maxaa sababay in dilaaga loola dhaqmo sidii qof caadi ah? Haddii boolisku jeebo u waayeen, miyey waayeen xarig ay gacmaha uga xiraan si shacabka Puntland, kuwa Soomaaliyeed iyo adduunkaba loo tuso wajiga eedaysanaha?

Maxaad ku talin lahayd? Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com