TACADDIGA DIL EE SAABIRIIN SAYLAAN & 11 QODOB OO KA DHIMMAN CADDAYMAHA
Inkastaa oo ay dadaal xooggan muujiyeen maamulka goobolka Mudug ee Puntland, hay’adaha amniga, laanta dambi-baarista iyo xafiiska xeer illaalinta ee isla gobolku, caddaaladdana horkeeneen eedaysanayaasha dambi iyo caddaymo miisaankooda leh, haddana weli waxaa muuqata dambigu in uu intaas ka sii taf-dheeryahay, raad-raac dhimmanna uu jiro.
1. Guriga waxaa ku noolaa dad ku dhaw illaa 15 ruux, oo dad waaweyn iyo carruurba leh, lagumana soo darin marag muujinta, maxkamaddana lama horkeenin
2. Aabbaha iyo hooyada eedaysan, lana horkeenay maxkamadda waxay dhaleen carruur qaangaar ah oo guriga ku noolaa, waxna ka ogaan karay arxan-darrada dhacday, laguma soo darin marag-muujinta, maxkamaddana lama horkeenin mid ka mid ah.
3. Guriga waxaa joogay shaqaale u shaqaynayey reerka, kuwo maalmihii wax dhacayeen joogay iyo kuwo ka sii horreeyey oo dhaqanka guriga wax ka og, iyana laguma soo darin marag-muujinta, maxkamaddana lama horkeenin
4. Hodan oo eedaysanaha koowaad ah, waxay sheegtay muuqaallada arxan-darrada ah ee ay duubtay in ay u diri jirtay dad kale oo ehelka Saabiriin ku jiraan, laguma soo darin marag-muujinta, maxkamaddana dadkaas muuqaalada loo diray lama horkeenin
5. Guriga Saabiriin ku dhimatay, eedaysanayaashu degganaayeen, daris ayuu lahaa, ogaan karay ama maqli karay gurigaas wax ka dhacaya, ama arki karay dadka guriga galaya ama ka soo baxaya, iyana laguma darin marag-muujinta, maxkamaddana lama horkeenin ruux ka dariska iyo dadkii u dhawaa ah
6. Carruurtu iskuullo ayay dhigan-jireen, iyo dugsiyo qu’aan, dadka kale ee guriga joogayna suuqyo ayay ka adeegan jireen, dad kaladuwan ayayna ka tacaamuli jireen, lama raad-raacin, macallimiintii iyo dadkii kale oo wax ka ogaan karay hab-dhaqanka qoyskaas iyo carruurtaas looma yeerin, marag-muujinta laguma soo darin, maxkamaddana lama horkeenin ogaal muujintooda.
7. Saabiriin, in ay telefon isticmaali jirtay, dad in ay la hadli jirtay oo dhibkeeda u sheegtay, in ay bannaanka u bixi jirtay iyo in ay guriga ku dhex xirnayd muddadaas oo aysan bixi jirin midna, iyana caddaynta iyo marag-muujinta laguma soo darin, maxkamaddana lama horkeenin.
8. Saabiriin, nolosheedii hore, dadbaa soo barbaariyey, soo koriyey, yaqaanay, waxna ka ogaan karay xaalkeeda dambe, taasna marag-muujinta laguma soo darin, wax ka xiriira maxkamadda lama keenin.
9. Saabiriin muuqaallada laga soo bandhigay waxaa ka muuqda iyadoo xirxiran ama miigaysan, xarigaas hal qof iyo labo midna ma geysan, dad badan ayaa isku qabtay oo xirxiray caqligu ina tusayo, dadkaasna marag-muujinta laguma soo darin, maxkamaddana lama horkeenin, xitaa haddii ay yihiin dad guriga jooga
10. Muuqaallada laga duubay Saabiriin ee dhimashadeeda la xiriira, waxaa jira dad la magacaabayo, hawsha socotana ku lug-leh, muuqaalka dhexdiisana shaqo loogu dirayo, dadkaasba laguma soo darin marag-muujinta, maxkamaddana lama horkeenin.
11. Midda ugu dambaysa, dacwad oogayaashu ma muujin heerka dambiga ama ku lug-lahaanta falkaan arxan-darro ee aabbaha guriga ama awoowaha Saabiriin, maadaama uu guriga ku noolaa, ogaanna karay waxa guriga ka dhex socda.
Daljir Media


COMMENTS