NORTHEASTERN STATE BARS INTERIOR MINISTRY POLITICIANS FROM UNAUTHORIZED STATEMENTS WITHOUT PRESIDENT FIRDHIYE’S APPROVAL
…
Waqooyi Bari oo joojisay in siyaasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha anay ka hadli karin xog anay ogeyn madaxda sare
Wasiirka Arrimaha Gudaha Waqooyi Bari Axmed Cali ayaa bartiisa Facebook ku daabacay in qof kamida wasaaradiisa uusan bixin karin waraysi Internet, wax dowladda ku saabsana ka qori karin iyada oo Madaxweynaha dowladda Waqooyi Bari iyo Wasaaradda ayan ogeyn.
Tan ayaa ka dhigan in xitaa haddii qoraal la xidhiidha dowladda uu Facebook ku qoraya qof kamida Wasaaradda Arrimaha Gudaha uu u baahanyahay fasaxa Madaxweyne Firdhiye.
Arrintan ayaa timid kadib markii dhowaan wasiir kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha maamulka Waqooyi Bari uu ka hadlay arrimaha dowladda, gaar ahaan caleemasaarka Madaxweyne Firdhiye oo dib-u-dhac uu ku yimid.
Daljir Media


COMMENTS