Qorshaha Amniga Qaranka ee Maraykanka (National Security Strategy 2025) & Saameyntiisa Siyaasadda, Khayraadka, Maamulka iyo Madaxbannaanida Soomaaliya
Qorshaha amni iyo kan siyaasadeed ee Mareykanku ma aha mid seef-la-bood ah e waa qorshe qayaxan oo si toos ah loo qeexo, deedna loo meel-mariyo, sidaas darteed waa muhiim in qof kasta oo Soomaali ah uu fiiro gaar ah u yeesho “Qorshaha Amniga Qaranka ee USA 2025” iyo saameyntiisa dalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyadiisa.
Qorshaha sannadkan waxaa sal u ah isbaddalka mugga leh ee ku dhacay dhaqaalihii iyo awooddii ciidan ee Mareykanka oo muddo ku dhow 80 sano badi adduunka oo dhan u talinayey, gabaldhicii Soofiyeetkuna keenay in Mareykanku uu noqdo awood adduunka ku amar-ku-taagleysa. Laakiin Mareykan ma aha kii hore, waxaana aad u sii daciifiyey dagaalka Ukraine oo Mareykanku safka hore uga jiray si loo wiiqo Ruushka, deedna loo sii kala jarjaro, looguna tashado khayraadka Ruushka oo la qiyaasay in uu yahay dalka adduunka ugu qanisan khayraad ahaan. Ruushka kaliya ma aha ee waxaa Mareykanka sii wiiqay awoodda sii kobcaysa ee dhaqaale iyo tan teknoolajiyadeed ee Shiinaha, iyo waliba Iran oo noqotay awood Galbeedka Aasiya looga danbeeyo.
Mareykanka oo yaqiinsaday in uu yahay awood wiiqantay ayaa wuxuu uu bishaan Noofeembar 2025 soo saaray “Qorshaha Amniga Qaranka ee Maraykanka,” kaas oo ay ka muuqato isbeddel weyn oo ku yimid siyaasaddiisa dibadda iyo tan difaaca.
Annaga oo aan waqti isaga dhumin siyaasaddiisa aad loo buunbuuniyey ee “America First” ee mudnaanta siinayaa danihiisa dalka gudihiisa, soona koobaya ku lug-lahaanshaha dagaalada uu joogto uga rido daafaha dunida, aan maanta xoogga saarno si kooban saameyntiisa caalamka oo lagu soo koobay saameyntiisa gobolka, gaar ahaan isfiirka Galbeed (Western Hemisphere) ee loo yaqaan Ameerika, kuna shaqeynaya mabda’a ‘Monroe Doctrine’ oo si kooban u ah ‘yaan qaaradda Ameerika nala ku soo faragalin.’
Haddaba haddii Mareykan laga adkaaday, dhaqaalihiisii uu wiiqmay, waa maxay siyaasadiisa Afrika iyo tiisa Bariga Afrika, siiba Soomaaliya?
Qorshaha cusub ee Amniga Qaranka Maraykanku (2025) wuxuu dib‑u‑soo‑celinayaa qaab siyaasadeed la mid ah kii kal hore ee “Dual Track Policy” iyo saameyntiisa istaraatajiyadeed ee dhanka khayraadka dabiiciga, dhaqaalaha, iyo badaha Soomaaliya.
Maraykanka ayaa qeexay in uu Soomaaliya ku wajahayo laba waddo:
- Taageerada Dowladda Federaalka (DF): Mareykanku wuxuu sheegay in uu sii wadi doonaa taageerada DF ee Muqdisho, si loo dhiso awood dowladeed
- La‑shaqeynta Maamul Goboleedyada: Waxaa si toos Mareykanku ula shaqeyn doonaa Puntland, Galmudug, iyo Somaliland, iyada oo la siinayo taageero amni iyo mid dhaqaale
Ujeeddada istaraatajiyaddan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid Soomaaliya lagu xasilinayo ayada oo loo marayo dhanka maamulada, maadaama sida qorshuhu qeexay ay “Dawladda Faderaalka ku adkaatay inay maamusho dalka oo dhan.”
Qorshuhu wuxuu kale oo xoogga saarayaa ilaalinta dhaqaalaha iyo kheyraadka Soomaaliya, gaar ahaan badaha iyo dekedaha Soomaaliya. Qorshaha ayaa qeexaya ilaalinta marin‑biyoodyada muhiimka ah ee Bab el‑Mandeb iyo Badweynta Hindiya, si loo yareeyo khataraha burcad‑badeedda iyo saameynta Shiinaha. Halkaas waxaa ka muuqata in aan dan laga laheyn boobka joogtada ah ee kheyraadka badaha Soomaaliya, laakiin qorshuhu yahay mid abbaaraya danta dhaqaale ee Mareykanka iyo siyaasadda Mareykanku u qalab-aruursanayo ee ah kahortagga iyo go’doominta Shiinaha, si aan Shiinuhu wax awood ah ugu yeelan Soomaaliya iyo Geeska Afrika.
Dhanka kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya oo bangiyada Mareykanku u hamuunqabaan damaanad cusub (collateral) si loo kobciyo dhaqaalaha liita ee Mareykanka, waxaa shirkadaha iyo bangiyada Mareykanku xoojinayaan maalgashiga shidaalka, macdanta, iyo kalluumeysiga.
Sidii hore looga bartay dawladaha reer Galbeedka, si aan dhaqaalaha Soomaaliya u kobcin, Soomaaliya waxaa la sii wadayaa gargaarka iyo taageerada dhaqaale ayada oo lagu “xirayo shuruudo adag oo horleh oo ku saabsan hufnaanta, la‑dagaalanka musuqmaasuqa, iyo ilaalinta danaha Maraykanka.” Maanka ku hay mashruuc kasta oo World Bank, USAID iyo mid IMF waxaa hore loogu xiri jiray shuruudo lamid ah isla kuwa ku xusan qorshaha cusub ee Mareykanka, waxayna caawimaadaas si musuqmaasuq ah arkasta dib ugu noqon jirtay isla bangiyada reer Galbeedka.
Sida ku cad qorshaha Mareykanka, “dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu ku sii jiri doonaa xakamayn iyo kormeer dibadeed oo joogto ah,” taas macnaheeduna waa taabagalinta siyaasadda Maraykanka iyo saaxiibadiisa la fulinaya danaha Mareykanka.
Isku soo wada duub oo waxaa muuqata siyaasad horleh oo Mareykan oo aan ku saleysneyn Dastuurka Fadaraalka ee Soomaaliya, laakiin ku salaysan danaha Maraykanka oo kaliya, ayada oo gobol kasta gooni loola xiriirayo, mid kastana laga rabo in uu fuliyo siyaasadda Mareykanka, meeshana laga saaro wax la yiraahdo ‘Siyaasad Soomaaliyeed.’ Haddii si kale loo dhigo, adduunku waxa uu galay waa’ cusub iyo gumeysi horleh oo aan gabasho lahayn.
Qorshaha cusub ee Amniga Qaran ee Mareykanka ayaa la filayaa in uu sii wiiqo doorka dawlad ahaaneed ee Soomaaliya iyo Dawladda Fadaraalka, halka ay maamul goboleedyadu helayaan fursado iyo taageero toos ah, ayada oo qorshaha guud ee Mareykanku yahay xaddididda madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.
La soco taxanaha …
Halkan riix Qorshaha Amniga Qaranka Mareykanka 2025
> Daljir Media


COMMENTS