Shiinaha oo dalbaday in Mareykanku degdeg u siidaayo Madaxweyne Maduro

Shiinaha oo dalbaday in Mareykanku degdeg u siidaayo Madaxweyne Maduro

Shiinaha oo dalbaday in Mareykanku degdeg u siidaayo Madaxweyne Maduro

Waxaa ka sii daraya xaalka Venezuela kaddib afduubkii Madaxweyne Maduro ee uu Mareykanku afduubay, keenayna magaalada New York si loogu maxkamadeeyo. Mareykanka ayaa Maduro ku eedaynaya in uu haystay qoryo bilaa sharci ah, arrinkaas oo dhammaan dunidu ku sheegtay xadgudub lagu xadgudbay qaranimada Venezuela.

Madaxweyne Kuxigeenka Venezuela oo hadda la wareegay talada dalka ayaa ku baaqay dagaal ka dhan ah Mareykanka, amrayna diyaargarow dhammaan ciidamada Venezuela.

Dhanka kale, Shiinaha oo xiriir dhow la leh Venezuela, gatana badi shidaalka Venezuela, ayaa arrinkaas aad uga xanaaqay dalbadeyna in bilaa shuruud lagu siidaayo Madaxweyne Maduro. Shiinaha ayaa ku goodiyey in uu qaadi doono tallaabooyin adag oo lid ku ah Mareykanka haddii aan degdeg loo siidayn Maduro. Shiinuhu ma caddayn tallaabada uu qaadi doono, laakiin waxaa loo badinayaa in ay noqoto mid dhanka miisaaniyadda Mareykanka dhaawac weyn gaarsiisa. Shiinaha ayaa 1-dii bishaan Janaayo mamnuucay dhoofinta qalinka, taas oo khalkhal weyn galisay suuqyada dhaqaalaha Mareykanka, siiba warshadaha baabuurta korontada ku shaqeeya iyo qalabka qorraxda korontada ka dhaliya.

Sida la saadaalinayo, ayada oo hore ay u taagneyd arrinka Taiwan, tan Venezuela ayaa la filayaa in ay uga sii dari doonto xiriirka ka dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka, iyo waliba Mareykanka iyo Ruushka.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com