Ibraahim Traore oo ka Badbaaday Afgambigii Shanaad
Sida ay sheegayaan warar aan ka soo xiganay Burkina Faso, Faransiiska oo adeegsanaya saraakiil Burkaanabiis ah iyo koox argagixisada JNIM ee faraca al-Qaacida ee Saaxilka ayaa ku fashilmay afgambigii shanaad ee Faransiisku la beegtay Madaxweyne Ibraahim Traore. Afgambigaan ayaa la sheegay in Macron uu ku aadiyey kii Venezuela ee Mareykanku la beegtay Madaxweyne Nicholas Maduro.
Shacabka Burkina Faso ayaa isla markiiba isu soo baxay oo hareereeyey madaxtooyada Burkina si ay u difaacaan madaxweynahooda, laakiin sirdoonka Burkina ayaa fashiliyey afgambiga, qabqabtayna dhammaan hagayaashii afgambiga.
Madaxweyne Thomas Sankara oo ahaa hoggaamiye lala meel-dhigo Ibraahim Traore oo ka horyimid gumeystaha Faransiiska, Burkina Fasa iyo Afrika oo dhanna ka shiday kacaankii gumaysi-diidka ayaa Faransiisku waxa uu inqilaabay 15kii Aktoobar 1987, Thomas Sankarana waxaa lagu toogtay isla meeshii loogu yimid. Qorshahaas mid lamid ah ayaa hadda Faransiisku la maaganyahay Madaxweyne Ibraahim Traore.
Ibraahim Traore iyo madaxda dalalka Mali iyo Niger oo ciidamada Faransiiska ka saaray dalalkooda, kana joojiyey khayraadkii uu Faransiisku si bilaash ah uga guranjiray dalalkooda ayaa si joogto ah Faransiisku u beegsadaa sidii loo dili lahaa, xukunkuna loogu wareejin lahaa hoggaan daacad u ah gumaystaha Faransiiska iyo qorshayaasha reer Galbeedka.
Dhaqaalihii reer Galbeedka oo aad u wiiqmay darti, Mareykanka iyo dhammaan dalalka reer Galbeedka ayaa hadda wada qorshe lamid ah kii Berlin 1885 ee Afrika la kala qaybsaday. Dalalka diiraddu saarantahay waxaa ugu horreeya wadamada Saaxilka iyo Soomaaliya. Soomaaliya mar hore baa Israal soo faragalisay ayada oo aqoonsatay Somaliland, waxaana la filayaa in gobol kale oo Soomaaliyeed si lamid ah Israal ayagana loo aqoonsado, waa haddii aan madaxda Soomaalidu ku baraarugin qorshaha reer Galbeedka ee kala-gaynta Soomaalida, kaas oo socday tan iyo 1969-kii markii Maxamed Siyaad Barre uu xukunka dalka la wareegay.
> Daljir Media


COMMENTS