Saas Baan Fadaa: Qormada Siyaasi Marwo Caasha Geelle Diiriye

Saas Baan Fadaa: Qormada Siyaasi Marwo Caasha Geelle Diiriye

Saas Baan Fadaa: Qormada Siyaasi Marwo Caasha Geelle Diiriye

Afeef: Afka aan ku hadlayaa waa Afkayga, soo jeedintaana waa fakarkayga ku salaysan xuuraanka shacabka, waa ku matali karaa qofkii ila fahmaya. Dawlad-diid ma ahi, dawladaha ma mucaarado, madaxda dalka kuma foogni, waxaan ahay waayo-joog odorosi kara waxa ka ba’sami kara Soomaalida iyo Dawladeeda haddaan heshiiska bulsho la ixtiraamin. Waxaan jeclaan lahaa Riyada in Soojeed loo badalo, Soomaalidana ay kala fahamto Shalay, Maanta iyo Barrito.

Qormadaydan kooban waxaan ugu nasteexaynayaa Madaxwaynaha DF, Puntland, WB iyo Soomaalida ka aragtida duwan DF oo ay ku jiraan Golaha Mustaqbalka.

Mudane Madaxwayne
Sideed iyo Labaatan jirka Hooyada Federaalka (Puntland) 100% waxay ku faraxsanyihiin sida aan ka soo xigtay shacabka reer puntland foolaadkooda in Colaadii, Cunaqabateyntii iyo Cadaadiskii puntland ay ku haysay DF sadexdii Sano oo la soo Dhaafay Miraheedii uu noqday labo Guulood: Guusha Taariikhiga ah ood ku Aqoonsatay Maamulka Woqooyi Bari oo oon Jacayl hore jirin, iyo Puntland oo Burbur lala damacsanaa ka badbaaday.

Waxaan leeyahay DF Aqoonsigaan iyo caleemasaarka WB ee maanta Afka Baarkiisqa ha ha ka gudbo oo garabkooda ha ka bixinina.

Reer Waqooyi Bari
Reer WB horta hambalyo, ogaada Maamulkaan laydiin caleemasaaray DF idin lama caashaqin, waxaa soo dadajiyey inqilaabkii dhicisoobay oo Puntland lala damacsanaa iyo Allaah oo abaalmarin uga dhigay dhiigii shacabka aan waxba galabsan, barakiicii iyo hiil la’aantii dawladii dhexe ee Soomaaliyeed ay shalay gacmaha idinkaga laabatay aad se ku qanacsanaydeen.

Waxaan la wadaagayaa reer WB madaxdeeda, hoggankeeda dhaqanka iyo waxgardkeeda, in maanta Riyada iyo Soojeedku ay idiin kala cadyihiin, kali tashigii ka dib haddaad maanta gaarteen hadafkiinii, waxaan idin kula talin lahaa saacada dib u celiya, yaan waqti kale idinka lumin, soojeed ugu qalab qaata Saxa iyo wadada Guushu meesha ay jirto.

Puntland
Xaqiiqdii Punland waayaragnimo 28 sano ah, dulqaad iyo khayraadkeedeeda ilaahay ku manaysgay baa u saamaxay illaahay idankiis in ay ka soo badbaado inqilaabkii burburka, weeradii argagixisada Caalamiga ahaa oo DF ku daawatay iyo cunaqabantayntii shacabka Puntland xilliyadii adkaa oo hadda laga soo doogay.

Puntland Kama Xuma kamana xumaan doonto in reer Waqooyi Bari ay aayahooda ka tashadaan oo maamul yeeshaan, waxaanse aaminsanahay in aad ka ilduufteen kana dagdagteen wadadii saxda ahayd oo Puntland idinla jeclayd, si kastaba ha ahaatee waxaan rajeynayaa in Puntland aysan garabkiina banayn doonin, sidaysan horaba uga gaabin xilligii adkaa.

Golaha Mustaqbalka iyo Maamulada Puntland Jubaland iyi Madaxwaynaha DFS

Madaxwayne waxaan mar kale kula talin in wadada saxda ah aadan ag marin oo Soomaalida kala tagsan isku raadiso , dulqaad iyo tanaasul badan muujiso , sharciga ku soo noqoto, qabato shirwaynihii ay ku baaqeen Soomaalida iyo Maamulada kaa aragti duwan si khilaafka Soomaalida ka dhex jira looga heshiiyo.

Madaxda golaha Mustaqbalka iyo Maamulada Puntland iyo Jubaland iyo Soomalida kale ee Saluugsan khilaafka jira ,waxaan idinkula dardaarmayaa in aad muujisaan dulqaad, fududaysaan wada kasta oo aad DF isugu imaan kartaan, kuna dhamayn kartaan kala aragti duwanaanta si loo helo Dawlad heshiis lagu yahay xiligeeda.

Ugu Dambeyn Danleyda meel kastoo ay joogaan waxaan leeyahay Malafkii WB iyo Puntland waa xirmay. WB hadafkeeduu waa gaartay wada kasta haw martee. Amni badantii Puntland ahayd ee 28 jirka ahaydna waxba ma gaarin. Hooyanimadii, dulqaadkii iyo ka shaqayntii dawlad dhiska Soomaaliyeed ee ay caanka ku ahaydna waa halkiisii.

Soomaaliya Soomaali baa leh, ismahurtooy hays haleyn. Dantu waxay taal Soomaalida dhexdeeda.

Soomaali Guul baan u rajeyn.

Asha Gelle Diriye
Waaya-Joog odorosta waddada saxda ah oo guusha lagu gaari karo!

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com