Hadalhaynta Siideynta Maxaabiista Laascaanood iyo Hargeysa ku kala Xidhan & Furista Waddada Burco iyo Laascaanood
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha DFS ayaa fagaarahii caleemasaarka Madaxweyne Firdhiye ka diray codsi siideynta maxaabiista labada daraf ee Hargeysa iyo Laascaanood iyo in la furo waddada. Arrinkaan oo horay uu ugu hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Laascaanood ka dhalisay dood xoogan oo ah qaabka loo siideynayo maxaabiista iyo sida ay suurtogal ku tahay furista waddada xilligaan.
Hadalhaynta Siideynta Maxaabiista Laascaanood iyo Hargeysa ku kala Xidhan & Furista Waddada Burco iyo Laascaanood
Xasan Sheekh Maxamuud @HassanSMohamud Madaxweynaha DFS ayaa fagaarahii caleemasaarka Madaxweyne Firdhiye ka diray codsi siideynta maxaabiista labada daraf ee… pic.twitter.com/tcgh8PF6Ky
— Daljir Media (@radiodaljir) January 18, 2026
Sida an ku helnay xog hoose, maamulka, isimada dhaqanka iyo dad saameyn ku leh Waqooyi Bari ayaa diidan siideynta maxaabiista iyo furista waddada iyaga oo cuskanaya ugu horeyn in la helo heshiis mid ah oo laba maamul ah kaas oo lagaga hadlayo amniga iyo in labada dhinac yeeshaan xudduud maamul oo heshiiska ku cad, heshiis cadna laga gaadho amniga iyo isku socodka, kaddibna la isdhaafsado maxaabiista.
Dhanka Somaliland, wali wax war ah kama soo saarin siideynta maxaabiista iyo shuruudaha ku xidhan.
Maxay tahay sida ugu macquulsan ee maxaabiista lagu siideyn karo, waddadana lagu furi karo?
Nala wadaag aragtidaada.
> Daljir Media, Mohamed Koronto

COMMENTS