DAGAALKA IRAN VS AMEERIKA: DAGAALKA MA AHA E MAXAA KALE OO AADAN OGEYN?
Soomaaliya se fursadda maanta u soo baxday ma ka faa’iidaysan kartaa?
Wargeys iyo warbaahin kasta oo adduunka waxay xoogga saartaa gantaalada, duqeynta, qaraxa, dhimashada iyo maxaa maanta la burburiyey, laakiin waxaa dagaalka maalinlaha aha feer socda dhacdooyin dhaqaale oo abidan badali doona juquraafiga Bariga Dhexe iyo dhaqaalaha Yurub.
Aan idin la qaybsano arrimaha ugu muhiimsan ee feer socda dagaalka, kuwaas oo saameyn daran ku yeelan kara nolosha gobolka iyo waliba tan Soomaaliya.
Wadamada Imaaraadka, Qatar, Kuwait iyo Sacuudiga oo soo saara in ka badan 25% saliidda adduunka iyo 15% gaaska dabiiciga ah waxay joojiyeen ama joojinayaan dhammaan waxsoosaarkooda. Arrinkaas waxa uu saameyn daran ku yeelan doonaa dhaqaalaha gobolka iyo kan Yurub. Yurub oo hore u joojisay shidaalka Ruushka hadda waxay taagantahay meel cidla ah, warshadaha Jarmalka oo hore u xirmay ama shaqaalaha u dhimay waxay hadda qarka u saaranyihiin in ay wada xirmaan.
Marinka Hormuus oo Iran xirtay waxa uu sidoo kale saameyn daran oo toos ah ku yeelanayaa dhaqaalaha Yurub iyo kan Aasiya, dhan shidaal iyo dhan beecmushtar. Marinka Bab El-Mandeb ayaa sidoo kale asna la filayaa in Yemen ay toos u xiri doonto, amaba ay ka xirto dalalka la jira Yhda.
Waddamada Khaliijka oo dhaqaalahooda iyo dhaqdhaqaaqooduba ku xiranyahay ajnabiga waa laga cararay, ammaankii ay 50 sano iibinayeena maalin buu ku burburay, Imaaraadku haba ugu darnaadee.
Waxaa se waxaas oo dhan ka sii daran biyaha iyo raashinka. Dhammaan waddamada Khaliijka biyahooda waxay ka helaan badda, waxaana sifeeya warshadaha loo yaqaan ‘desalination plants.’ Iran ma leh ‘desalination plants’ oo waxay biyaheeda ku heshaa si dabiici ah, laakiin abaaro daran oo jira dartood waayahaan waxaa jiray biyo-la’aan, haddana Mareykanka wuxuu bilaabay in uu burburiyo biyo-xireenada Iran. Taas waxay keeni kartaa in Iran ay burburiso warshadaha biyaha Israal iyo Khaliijka. Haddii taasi dhacdo waxaa khasab noqon doontaa in laga qaxo badi magaalooyinka waaweyn ee gobolka.
Dhanka raashinka oo badankiisu dibadda uga yimaado dalalkaas waxaa durba bilaabatay raashinkii oo yaraada maxaa yeelay badi raashinka waxaa laga keenaa dibadda, siiba Iran iyo Turkiga. Mar haddii uu istaagay isusocodkii diyaaradaha iyo kii maraakiibta waxaa toos u istaagaya raashinkii iyo qudaartii la keeni jiray gobolka. Tusaale: Imaaraadka, Baxreyn iyo Qadar 90% raashinkoodu waa mid dibadda laga keeno. Sacuudiga asna waa ku dhawaad 75%.
Madaxda waddamada Khaliijka oo 50kii sano ee la soo dhaafay toos isugu dhiibay Yhda waxaa haysta laba kala daran in ay mid doortaan: In ay cararaan, ama in ay toos ula saftaan Iran. Kala doorashada waxaa keenaya rabitaanka shacabka oo awal xoog, xeelad iyo lacag lagu maamuli jiray, laakiin hadda aysanba jirin wax lacag lagu gadan karaa.
Soomaaliya ayaa la filayaa in qalalaasaha Bariga Dhexe uu saameyn daran ku yeesho dhanka dhaqaalaha, laakii dhanka siyaasadda nafis ka heli doonto. Laakiin su’aasha isweydiinta mudan baa ah, mar haddii caawimadii istaagto, shaqaalihii Soomaaliyeed ee Bariga Dhexe shaqo la’aan noqdaan, madaxda Soomaalidu caqligii hore ee “aan ku cuno ama ku ciideeyo” ma ku badali karaan caqli cusub?
Dhibka Bariga Dhexe wuxuu fursad weyn u noqon karaa Soomaaliya, laakiin dhibka Soomaaliya haysta waa dal 60kii sano ee la soo dhaafay inta si fiican loo dhexgalay, ayna dhexgaleen Yhda iyo inta u shaqeysaa la kala qaybiyey qabiil-qabiil, welina aan fahmin meesha laga soo galay, u qaba in kacaankii iska dhashay, in kacaankii iska dhacay, in dagaalkii Itoobiya uu xornimo doon ahaa, in dagaalkii sokeeye Soomaalidu masuul ka tahay, in al-Shabaab diini keentay, iyo waliba in xaalka maanta lagu jiro ay madaxda Soomaalidu masuul ka yihiin. Illaa Soomaalidu ka fahmayso in qalalaase kasta oo siyaasadeed ee Soomaaliya ka dhacaa ay dawlad kale masuul ka tahay, in siyaasi walbaa dawlad kale matalo, way adagtahay in Soomaaliya la toosiyo, amaba ay toosiyaan inta maanta hoggaanka sare haysaa.
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media
DAGAALKA IRAN VS AMEERIKA: DAGAALKA MA AHA E MAXAA KALE OO AADAN OGEYN?
Soomaaliya se fursadda maanta u soo baxday ma ka faa’iidaysan kartaa?Wargeys iyo warbaahin kasta oo adduunka waxay xoogga saartaa gantaalada, duqeynta, qaraxa, dhimashada iyo maxaa maanta la burburiyey,… pic.twitter.com/3m66PzsACc
— Daljir Media (@radiodaljir) March 5, 2026


COMMENTS