MAREYKANKA & DUULLAANKA IRAN: Siday filayeen iyo siday sidu ku noqotay ayay su’aal ka qabaan Maraykanku
Soddon kun oo Doollar oo kasta oo ay Iiraan dagaalka ku kharash garayso waxa uu Maraykanku ku wajahayaa afar milyan oo doollar, waxana 12 maalmood dagaal socday ay Washington ku dhammaysay afar meelood meel kaydkeedii gantaallada THAAD ee difaaca hawada kuwaas oo ah dhiggeeda S-400-ka Ruushka.
Tan ayaa ka dhigaysa Iiraan in ay dagaalka si waxyeello weyn u leh cadawgeeda kula dagaallamayso kharash ka yar in badan inta ay ku bixinayaan colaadda. Maraykanka ayaa u arka in Israa’iil ay dagaalka ku riixday iyadoo aan hayn xog dhab ah oo ku saabsan kaydka iyo soo saarista hubka Iiraan gaar ahaan gantaallaha iyo darooniska ismiidaamiya.
Dagaalkan waxa uu noqday kii ugu qasaaraha badnaa ee uu Maraykan cagaha la galo tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka marka loo barbar dhigo xilliga gaaban ee uu socdo ee qasaaraha maaliyadeed iyo agab ee soo gaadhay, halka Israa’iil aya iyaduna noqotay mid u qasaartay si aanay hore ugu xisaabtamin, iyadoo dalalka khaliijkuna amakaag iyo anfariir ay ku noqotay aafada qoorta loo sudhay, si gaar ah Imaaraadka iyo Baxrayn oo maalin kasta luminaya kaabeyaal dhaqaale oo saamayn taban ku reebey, ka soo kabashadooduna ay xiĺli dheeraad ah ku qaadan doonto.
Iiraan ayaa ku dagaallamaysa sawaariikh ay soo saartay ugu danbayn 2012-kii, halka kuweeda ugu danbeeya ay u dhigatay qaybaha dambe ee dagaalka hadda socda, tiiyoo soo saaristeeda hubkuna uu si maalinle ah xawli ugu socdo, taas beddelkeedana Maraykanka waxaa xilligan ku adag in uu buuxiyo baahida difaaca gantaalaha ee dalalka carbeed ee jaalkiisa sannadaha badan soo ahaa.
Su’aalo badan ayaa dul-hoganaya hoggaamiyaha Maraykanku jihada aan la mahadin ee uu horjoogaha Israa’iil si aan laga baaraandegin ugu jiiday, kuwaas oo xilli ay talo faro-ka-haad tahay ku baraarugay in ay Iiraan dagaalka gashay kaddib diyaar garow dheer oo dalalka ku xeeran iyo dunida inteeda badan ay ka dhoohnaayeen.
WQ: Adam Shardi
> Daljir Media


COMMENTS