Victoria Base, Saldhiggii Mareykanka ee Baqdaad, oo xalay si daran loo duqeeyey welina holcaya
Saldhigga Mareykanka ee Baqdaad oo duqeymo joogto ah ay ku socdeen tan iyo bilowgii duullaanka Iran, haatana bilaa difaaca lidka daroonada ah, ayaa xalay waxa si daran loogu garaacay madaafiicda goobta. Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in Mareykanku bilaabay in uu ka guuro saldhigga. NATO ayaa ayana shalay sheegtay in ay ka guurtay Ciraaq, ciidankii ugu danbeeyey oo Polish ahaana laga daadgureeyey shalay.
Maalaayiin reer Ciraaq oo la laayey iyo lacag ku dhow tirilyan USD oo Mareykanku ku kharash gareeyey Ciraaq kabacdi, waxaa saaka muuqata in ay noqotay hal bacaad lagu lisay duullaanka Iran darti.
Saldhigyadii Mareykanka ee Khaliijka ayaa hadda badi ah kuwo wada haawanaya, badina dhulka lala simay, aan ka ahayn kuwa Mareykanka ee ku yaal Sucuudiga.
> Daljir Media


COMMENTS