Duq Xuseen, wuxuu maray dariiq qarda-jeex ah oo aan bannaanayn.

Duq Xuseen, wuxuu maray dariiq qarda-jeex ah oo aan bannaanayn.

W/Q: Sahro Cismaan Yuusuf.

Xalay oo waxaan daawaday khudbad uu jeediyey duqa Galkacyo ee Puntland Xuseen Cabdinuur Dambalaas, taasoo uu ka jeediyey munaasabad xafladeed oo dabaaldegga Galmudug ah, kana dhacday dhanka koonfureed ee magaalada Galkacyo.

Hadal-jeedintaasi duqa degmodu, waxay ahayd dood jaban oo wax dhimaal ku ah dawladnimada iyo masuuliyadda loo doortay ee heer degmo, kana baxsan danihii loo doortay, uuna ugu xilsaarnaa shacabka reer Puntland ee magaalada Galkacyo, isagoo salooshay siysaado durugsan oo aan ahayn wax loo dirsaday.

Fasir buuxa marka laga bixiyo, laguna eego indho siyaasadeed hadal-jeedinta duqa Galkacyo ee Puntland Xuseen, waxaa ka muuqatay in ay meel u wada-joogaan, una gudboonyihiin, madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud iyo madaxweynaha sharciga ah ee Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, labadooduna ay ka shaqaynayaa si siman waxaan dan u ahayn Galkacyo, waana hadal meel ka dhac iyo marin habaabin ummadeed ah, misna u muuqda in duqu ku garabsiinayo Xasan Shiikh Maxamuud iyo xulufadiisa muddada dheer duullanka ku ahayd dawlanimada Puntland.

Intaas kuma koobno hadal-jeedinta duqa iyo meel-ka-dhaca hawraareed ee ka soo yeeray, balse wuxuu tilmaamay, Galkacyana u ekaysiiyey meel ah BUDO GAAR U TUBAM, taasoo ka duwan dastuurkii iyo dawladnimadii illaalintooda loo dhaariyey, uuna ku maray kitaamka, waxaana muuqata in uu jeebkiisa kala soo baxay wax isaga u gaar ah oo uusan ku matalin shacabka magaalada Galkacyo iyo guud ahaanba dadka reer Puntland.

Waxaan dhihi karaa waa nasiib-darro weyn oo nagu dhacday in guddoomiye Xuseen Cabdinuur uu la kufay mansabkii, magacii iyo masiirkii ummadeed ee lagu aaminay, ahaana heer degmo, isla markaana uu ku ambaday siyaasaddii, isagoo si qardo-jeex ah u maray dariiq aan bannaanayn.

Ugu dambayn, Duq Xuseen wuxuu kursiga uu ku fadhiyo ku tagay codkeenna oo ah midka shacabka Galkacyo, wuxuuna nagu matali karaa rabitaankeenna shacabka iyo midka dawladda uu ka tirsan yahay ee Puntland, iyo in uu danahooda hormar, ammaanka iyo biliceed ka shaqeeyo, wixii intaas ka baxsan oo uu jeebkiisa kala yimaado naguma matalo, nagumana sii matali karo.

Allaa Mahadleh.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com