Inta la xaqiijiyey 7 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhimatay duqayn la rumaysan yahay Turkigu in uu la beegsaday laasha badeed dadkaasi ay saarnaayeen.
Weerarkaan ayaa ka dhacay xeebta deegaanka Jiifle oo hoostaga degmada Gidobjiiraan ee gobolka Nugaal, halkaasi oo ay ku dhawyihiin Maraakiib u afduuban burcad-badeed Soomaali ah, waxaana maraakiibta afduuban ku jira mid u rarnaa Turkiga, siiba fariisimada ay ku leeyihiin Muqdisho iyo meelo ku dhaw.
Si rasmi ah looma oga dadka dhintay in ay ahaayeen dadka xeebaha ka shaqaysta iyo in ay ahaayeen dadka xiriir la leh burcadda maraakiibtu u afduunyihiin, hase ahaatee dad deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay saxiimadda la weeraray in ay ka soo dhinaca furtay mid ka mid ah maraakiibta afduuban, xeebtana dad ka raaceen.
Waa markii labaad oo deegaannada xeebaha ah ee gobolka Nugaal weerar noocaan ahi uu ka dhaco tan iyo markii maraakiiibta afduuban yimaadeen, waxay ahayd dhawr maalmood ka hor markii weerar kale uu ka dhacay Galmaal oo hoostagta Dangoroyo.
Diiwaanka Daljir Media.


COMMENTS