Maxkamada Sare oo sheegtay in Doorashooyinka DFS ka qabatay galmudug ahaayeen kuwa musuqmaasuqa lagu qabtay loona qabtay hab baal marsan xeerka Doorashooyinka dalka.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka baashe Yuusuf Axmed ayaa amray in dib loogu laabto doorashooyinkii Galmudug oo uu ku sheegay iney hareeyeen Musuq iyo wax-isdaba marin.
Gudoomiyaha ayaa xusay inay doorashadaasi ahayd mid an cadaalada iyo nidaamka Doorashooyinka lagu saleyn sidaasi darteedna dib loogu noqdo Doorashooyinkii DFS ka qabtay Galmudug.
Dowladda Federaalka ayaa kufaantay inay ku guuleystay inay Galmudug ka qabtay Doorasho cadaalad ah oo ay guul kasoo hoysay.
Tani ayaa fadeexad iyo waji gabax kunoqoneysa gudida Doorashooyinka dalka oo iyagu horay loogu tuhmayay inay yihiin gudi cadaalada ka fog.
Waa markii ugu horeysay oo taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya ay maxkamad sare amarta in dib loogu laabta Doorashooyin laga qabtay dalka.
Maxay kula tahay sideese u aragtaa arrinkaan?
Daljir Media | Mohamed Koronto


COMMENTS