Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo shir muhiim ah guddoomiyeey

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo shir muhiim ah guddoomiyeey

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyas Osman Lugatoor, ayaa shir-guddoomiyey kulan heer Wasiirro ah oo lagu dardargelinayo shaqooyinka Mashruuca Bulsho, oo ah mashruuc lagu horumarinayo degmooyinka Dowladda Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii Wasaaradaha Mashruuca xidhiidhka la leh ay uga wada shaqayn lahaayeen dardargelinta iyo taabbagelinta waxqabadyada iyo horumarka la rabo in lagu fuliyo Mashruuca Bulsho.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay isuduwidda hay’adaha Dowladda, isla-xisaabtanka iyo in la helo hannaan wada-shaqayn oo hufan, si loo xaqiijiyo in khayraadka iyo maalgelinta Mashruuca Bulsho loo beddelo adeegyo iyo horumar muuqda oo ay bulshada degmooyinku si toos ah uga faa’iidaystaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com