Madaxweynaha Suuriya al-Golani horena u ahaa asaasaha argagixisada IS^IS Suuriya ayaa soo saaray amar lagu musaafurinayo Cadel Cabdel Fataax al‑Natour, waxaana qoyskiisa la siiyay 10 maalmood oo kaliya in ay dalka uga saaraan, ayna helaan dal kale oo aqbala.
Al‑Natour waa Falastiini ka soo jeeda Qaza, kana tirsanaan jiray hoggaanka sare ee Ururka ‘Islamic Jihad’ ee dagaalka adag kula jira Israa’iil. Cadel waxa uu Suuriya ku xirnaa ku dhowaad 11 bilood, iyadoo aan wax dacwad ah aan laga keenin, maxkamadna aan la soo taagin. Al-Natour waxa uu Dimishiq ku noolaa tan iyo 1992, ahna ku dhowaad 34 sano.
Al-Golani ayaa xilligiisii IS^IS ku goodin jiray in uu Qudus ka xoreyn doono Yhda, laakiin ugu danbeyn ay Yhdu ugu dabaaldegtay in uu Dimishiq ayaga u xoreeyey, ayada oo sirdoonka Yhdu ay hadda toos uga hawlgalaan Dimishiq, meesha ciidamadooduna ku suganyihiin masaafo Dimishiq u jirta dhowr iyo labaatan KM.
Intaas oo marxaladood oo Suuriya soo martay, weli ma aaminsantahay in al-Golani uu wax taageero ah u hayo Falastiin, ama uu xoreyn doono Qudus? Nala wadaag fiiradaada iyo falceliskaagaba.


COMMENTS