GAALKCYO | GUDDI LOO XILSAARAY NABADEYNTA BEELO GAALKCYO KU DAGALAMAY OO OO HESHIIS HORDHAC AH DHEXDHIGAY LABADA BEELOOD & GAROOWE LAGU BALAMAY.

GAALKCYO | GUDDI LOO XILSAARAY NABADEYNTA BEELO GAALKCYO KU DAGALAMAY OO OO HESHIIS HORDHAC AH DHEXDHIGAY LABADA BEELOOD & GAROOWE LAGU BALAMAY.

Masuuliyiinta Dowladda oo ka kooban Wasiiro,Xildhibaan iyo Maamulka Gobalka Mudug ayaa mudo 10 bari oo shaqo ah kadib soo Geba-gabeeyey arrimahii shaqada ee Gobalka ka socday, sida Biyaha Saarka, Xoojinta Nabadeynta iyo Xalinta Khilaafyada dhulalka.

Sidoo kale Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir dib-u-heshiisiin ah oo muddo toban maalmood ah u socday labada beelood ee walaalaha ah ee Dir saleban Cabdale iyo Sheekhaal Lo’booge.

Shirkan oo ku soo dhammaaday is-afgarad iyo jawi nabadeed, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo soo celinta xiriirka walaaltinimo ee labada beelood.

Waxana loo balamay in labada belood udiyaar garoobaan gogosha uu madaxwaynaha dowlada Puntland Mudane Siciid cabdulahi Dani, uu dhigay Casimada Puntland ee Gorowe.

Shirka Garoowe ayaa la filayaa inuu noqdo tallaabo kale oo lagu sii xoojinayo heshiiska iyo nabadda laga gaaray khilaafka labada beelood, iyadoo mas’uuliyiinta iyo waxgaradkuna ay ku boorriyeen dhinacyada inay si wada jira uga shaqeeyaan nabada iyo wada noolaansha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com