AQOONYAHANKA FALASTIIN MUXUU KA YIRI XAALKA SUNNIGA & KAN CARBEED EE MAANTA?

AQOONYAHANKA FALASTIIN MUXUU KA YIRI XAALKA SUNNIGA & KAN CARBEED EE MAANTA?

AQOONYAHANKA FALASTIIN MUXUU KA YIRI XAALKA SUNNIGA & KAN CARBEED EE MAANTA?

Maanta waxaan tusaale u soo qaadaneynaa aqoonyahan Nizar Banat oo ah nin reer Falastiin. Nizar Banat wuxuu ahaa bulsho-u-doode, falaanqeeye siyaasadda iyo waliba nin aad ula dagaalamaya musuqmaasuqa harqiyey maamulka Falastiin ee Ramallah (PA). Wuxuu aad u dhaliili jiray siyaasadda Carabta Sunniga ee sheegta in ay hayaan majaraha Muslimiinta.

Nizar Banat waxaa ugu danbeyn 24kii Juun 2021 gurigiisa ugu dhacay askarta Maamulka Falastiin, jirdil aad u xun oo gurigiisa loogu gaystay kaddibna waxa uu isla maalinkiiba ku geeriyooday Isbitaalka.

Nizar oo la hadlaya madaxda Carabta ee aad ugu dhiiran in ay dal kale oo Carbeed dhulka ku jiidaan, laakiin aad awoodin in ay innaba u muujiyaan wax hiil ah, iyo waliba aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Carbeed waxa uu yiri:

“Waxaan oo doqonimo iyo nacasnimo ah suurtogal ma aha in qof dhan uu lahaado, waana wax qariban oo aad looga caroodo.

Bal hayeh, mashruuca Iran kuma aad qanacsanidiin? Sax?

OK! Kuma aydan cajabinin mashruuca Iran? Hadaba maxaa ku cajabinaya marka, oo aaway baddalkeedii oo keen wax ku cajabiya.

Ma waxaad la safantahay kuwa doonaya geeddi-socodka nabadeed [AbrahamAccord]? Sidee bay haddaba taasi macquul ku tahay?”

Nizar oo tusaale u soo qaatay xaalka Suuriya [Sannadihii 2021 iyo wixii ka horreeyey] waxa uu yiri: “Waxaad leedihiin marka hore aan burburino xiriirka aan la leenahay Suuriya, ka dibna kan Iran, deedna waxaad leedihiin ‘Israa’iil dagaal kuma jabin karno oo dagaalku wax micno ah ma laha oo waxbuu burburinayaa, oo cidna na taageeri mayso.’

Waxaad tihiin munaafiqiin. Waxaad tihiin dad ‘Taqiya’ ah oo diinta ka dhuumanaya. Waxaan ku dhaaranayaa dhiigga dhammaan Shuhadada, waxaan ku dhaaranayaa dhiigga Masiixiga Wadee Haddad, waxaan ku dhaaranayaa dhiigga Suleymaani ee Shiicadda iyo kan Axmed Yaasin [Xamaas] oo ah Sunni. Waxaan ku dhaaranayaa dhiigga saddexdaas nin inaad tihiin beenaalayaal, annaguna oo Sunni ah oo dhanna waxaan ku dhaaranayaa in aan nahay munaafiqiin kuwa ugu weyn, uguna dambiga iyo beenta badan, ahna kuwo ku dhaqma ‘Taqiya’ oo la dhuunta diintooda.”

Nizar ayaa marakan sharraxaya hadafka siyaasiyiinta iyo hoggaamiyayaasha uu ku sheegay munaafiqiinta, waxa uuna yiri: “Haddaba aan runta isu sheegno maxaa yeelay waan baranay waxa aad tihiin. Waxaad tihiin kuwo loogu talagalay in ay xoojiyaan afkaarta lagu burburinayo bulshada Islaamka oo aad ku dhex faafisaan fikir xun oo qaldan oo bulshada liida oo ka dhiga kuwo aan wax iska dhicin karin. War maxaa ku dhacay ummaddii Sunniga?”

Nizar oo marakan isku miisaamaya inta wax tartay iyo kuwa aan waxtarin waxa uu yiri, “War Jordan (Urdun) immisa xabbadood bay idin siisay ama idiin soo maray? War ummaddaan Sunniga ee aad ka soo jeedaan way diiday inay wax tallaabo ah qaado oo wax idiin qabato; laakiin bal fiiri si ay Bashar al-Asad u afgambiyaan waxay hubeeyeen oo Suuriya u direen kumanaan dagaalyahan iyaga oo leh ‘Bashar al-Asad waa in xukunka laga tuuraa.’ Hadde ogow waa Bashar al-Asadkii diiday in uu ka qaybqaato nabadeynta Yhdu riixayso oo aan innaba wax lug ah ku lahayn qorshahaas dahsoon. Markaas ayey haddana ku sii dareen markii Bashar xukunka laga tuuro waxaan ku xijin doonaa xoreynta Falastiin.” Hayeh, Bashar waad ka xoreyseen deeganada Dara’a, buuraha Golan Heights, iyo meelaha kale ee xuduudda la leh Israa’iil. OK! Haddaba maxay noqotay natiijada ay Jabhadda al-Nusra [ee hoggaamiye al-Golani] soo hoyisay? Natiijadu waxay noqotay in dagaalyahanadii Jabhadda Al Nusra lagu dabiibo isbitaalada Israa’iil. Saxiix.”

Nizar oo sii wata waxa uu ku sii daray, “Taageerayaasha iyo xisbiyada kaladuwan waxaan u sheegayaa, war xabsiyada Israa’iil waxaa buuxdhaafshay rag aan jecelnahay sida Xaaji Fu’aad Shubaki iyo Kabtan Cumar Akkawi Allaha u gargaaree, raggaas waa geesiyaal.”

Dhanka waxqabadka iyo taageerayaasha Falastiin, Nizar wuxuu yiri, “Markab hub ah ayuu Jeneraal Suleymaani u soo diray Jabhadda Fatax intii lagu jiray dagaalkii Kacdoonka Al-Aqsa, isla waqtigaas hoggaamiyayaasha Carabtu dhamaantood waxay qayb ka ahaayeen go’doominta Falastiin iyo Yaasir carafaat, laakiin Suuriya markasta waxay garab iyo gaashaan u ahayd Falastiin. War isku xishooda!”

Nizar ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey, “Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Muslimiinta iyo geesiyaasheeda oo ay ka shahiideen geesiyaal qiima badan. Waxaan si wadajir ah ugu dagaalamaynaa xoraynta dhulka iyo ummadda, waana iskaashaneynaa. Laakiin si loo gaaro taas, Carabta waa in laga nadiifiyaa kuwa shaqaalaha u ah cadawga oo bulshada sida weyn u dhexgalay, una faafiya aragtiyada xun ee ummadda lagu majarahabaabiyo. Waa kuwo ka shaqeeya fikrado doqonimo ah. Qaar waxay u xilsaaranyihiin fitnada sidii loo faafin lahaa, qaarna waa shaqaalaha hay’adaha, qaar kale waa NGO-yada, kuwa kalena waxay ka shaqeeyaan baahinta afkaarta ummadda burburka u horseeda.”

Maxaa kaaga baxay hadalka Nizar Banat? Adoo ka tusaale qaadanaya xaalka Suuriya ee maanta iyo waliba kan Soomaaliya, hadda se ma fahamtay sida Yhda iyo reer Galbeedku bulshada u qaldaan, una majarahabaabiyaan ayada oo loo marayo hooggaanka bulshada, sida madaxda, siyaasiyiinta, wadaadada iyo waxa loogu yeero hay’adaha samafalka.

Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

FG: Muuqaalka oo afka Soomaaliga ah mardhow la soco

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com