Ansar-Allah oo Jabuuti ujirta wax ka yar 20 KM.

Ansar-Allah oo Jabuuti ujirta wax ka yar 20 KM.

“Gacanka Baabul mandab iyo badda cas amaankooda waa sugan yahay anaga ayaana gacanta kuhayna” waxaa sidaas hada kudhawaaqay Dowladda Yaman ee Ansar-Allah alxuuti uu hogaaminayo kuwaas oo dagaal kula wareegay dhul istiraatiijiyad weyn leh oo dhaca afaafka hore ee Marinka baabul mandab.

Tani ayaa imaaneysa xili saakay subaxii hore ay gacanta si buuxda ugu dhigeen magaalada Makha oo ah goob muhiim ah kana mida dekadaha ugu muhiimsan gacanka.

Galabta waxaay si buuxda gacanta ugu dhigeen jazeerada mayuun oo dhacda bada cas taas oo Jabuuti ujirta wax ka yar 20 KM.

Markaan Ansar-Allah ayaa awood uyeelaneysa xakamaynta marin biyoodka muhiimka ah ee gacanka baabul mandab oo mareykanka, Yhda iyo carab oo dhan ay awoodooda isugu geeyeen mudo ka badan 15 sanno si ay ugalin gacanta Ansar-Allah.

Gacan sareyntooda kadib waxaa dhibaatada ugu horeysay wajihi doono Sucuudiga iyo wadamada geeska Afrika.

Waxaay cunaqabatayn saari doonaan dekadaha Sucuudiga waxaana halkaas ka bixi doonto dhoofinta saliida, shidaalka iyo waxkastaa oo Sucuudiga uu reer galbeedka udhoofin jiray isaga oo sii maraya gacanka baabul mandab.

Jabuuti oo ah halka uu kuyaala saldhiga ugu weyn geeska Afrika ee mareykanka ayaa caawa daawaneysa Ansar-Allah oo gacanka baabul mandab oo ay ku tiirsanayd gacanta kudhigay.

Berbera oo Yhda iyo Imaaraadka dagan yihiin waxaay kamid tahay goobaha ugu horeysa ee bartilmaameedka u ah Ansar-Allah.

Soomaaliya oo horay utaageertay mareykanka iyo Sucuudiga aadna ugu soo hor jeesatay Ansar-Allah iyaga oo an isgaarin qaybo kamidana ay joogaan Imaaraadka iyo Sucuudiga oo is huwan waxaay horseedi kartaa inay Soomaaliya badasha jabhada ay ku socoto taas oo iyana dhibaata weyn ay kawajihi karta.

Daljir Media | Mohamed Koronto

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com