Bandhigga buugga “Hurgumo: Maalmihii Adkaa ee Laascaanood” oo uu qoray qoraaga Maxamed Xasan Cirro, ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Munaasabadda bandhigga waxaa ka qeybgalay siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya, aqoonyahanno, qorayaal, isimmo dhaqameed, ganacsato iyo marti sharaf kale.
Intii ay munaasabadda socotay, waxaa si qoto dheer looga hadlay muhiimadda uu buuggu leeyahay, isagoo ka warramaya dhacdooyinkii iyo maalmihii adkaa ee ay soo martay magaalada Laascaanood.
Sidoo kale, ka qeybgalayaasha ayaa bogaadiyey dadaalka iyo waqtiga uu qoraaga Maxamed Xasan Cirro geliyey diyaarinta buuggan, iyagoo ku tilmaamay mid wax weyn ka tari kara xusuus-qorka iyo kaydinta taariikhda.










COMMENTS