WARBAAHINTA YHDA: Sucuudiga oo Israa’iil ka codsaday caawimaad militari iyo mid sirdoon oo degdeg ah

WARBAAHINTA YHDA: Sucuudiga oo Israa’iil ka codsaday caawimaad militari iyo mid sirdoon oo degdeg ah

Sida ay qorayso warbaahinta Israa’iil, Amiirka Sucuudiga Maxamed bin Salmaan oo hadda galay ciriiri kii ugu darnaa, dalkiisana taariikhda markii ugu horraysay uu soo wajahay dhaqaale xumo iyo lacag la’aan tii ugu darneyd kaddib markii ay isugu darsameen laba kala daran oo kala ah: 1) Ansar-Allah oo qabsatay xeebaha Galbeed ee Yaman iyo Bab El-Mandeb, 2) Iran iyo Ansar-Allah oo xiray labadii marin biyood ee laga dhoofin jiray shidaalka Sucuudiga, kuna sii daray in ay gubaan dhuumihii iyo maraakiibtii shidaalka Sucuudiga.

Labadaas marxaladood kaddib, Sucuudiga oo waligiis xiriir hoose la lahaa Israa’iil ayaa hadda si toos ah uga codsaday in laga soo gaaro, loona fidiyo caawimaad degdeg ah oo militari iyo mid sirdoon si uu uga hortago dagaalyahanada Ansar-Allah.

In kasta oo warbaahinta Mareykanku qorayso in Mareykanku diiday in uu Sucuudiga ka caawiyo dhanka militariga, haddana arrinkaas waxaa beeniyey falaanqeeyayaasha siyaasadda Bariga Dhexe, ayaga oo ku sheegay hadaltiro shacabka lagu marinhabaabinayo, maxaa yeelay ciidamada Sucuudiga waa kuwa Mareykanka, sirdoonku waa kan Mareykanka, diyaaraduhu waa kuwii Mareykanka, hubku waa kii Mareykanka, amarkuna waa isla Mareykanka oo ayagaa Sucuudiga meesha ku ilaashada. Sidaas darteed Sucuudiga oo laga adkaaday macnaheedu waa Mareykankii oo laga adkaaday.

Falaanqeeyayaasha ayaa ku sii daray in Sucuudiga iyo Mareykanku aysan kala harayn oo iskumid yihiin Illaa Mareykanka laga saarayo Bariga Dhexe oo dhan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com