Rabbi ha u naxariistee waxaa dalka Kenya ku geeriyootay Xaawo Aadan Camey oo kamid ahayd hormuudka waxbarashada iyo hormarinta bulshada Puntland, kaddib markii xaalad caafimaad oo degdeg ah loogu qaaday magaalada Nairobi tobaneeyo casho kahor.
Xaawo Aadan, inkastoo muddo dheer ay xanuunsanayd, haddana xaaladdeeda caafimaad waxay soo cuslaatay dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey sida ay Daljir u xaqiijiyeen xubno kamid ah eheladu.
Rabbi ha u naxariistee Xaawo Aadan Camey waxay ahayd tiir weyn oo dhanka waxbarashada, waxayna ahayd asaasihii Xarunta Waxbarashada, Nabadda iyo Hormarinta ee magaalada Gaalkacyo ee (GECPD).
Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Xarfo ee gobolka Mudug ayay ka abuurtay xarumo waaweyn oo waxbarasho oo ay ka aflaxeen kumannaan carruur iyo haween ah, waxayna si gaar ah xoogga u saari jirtay taakulaynta dadka danyarta ah iyo barakacayaasha, waxaana waxbarashada xarumahaas ka faa’idaystay jiilal kaladuwan oo bulshada Soomaaliyeed.
> Daljir Media


COMMENTS