Rabbi ha u raxnadee maamuus heer Aas-qaran ah ayaa loo sameeyey marxuumad Xaawo Aadan Camey oo meydkeeda saacad ka hor la keenay magaalada Galkacyo, kadib markii ay dhawr maalmood ka hor ku geeriyootay magaalada Nairobi ee dalka Kenaya, halkaasi loo geeyey xaalad caafimaad horraanba.
Boqolaal qof ayaa saalaadda jinaasada ku tukaday Meydkeeda oo yaalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo ee Cabdillaahi Yuusuf Airport.
Naxashka Meydkeeda waxaa waday, kana soo hoos-qaaday diyaaradda, arday xirnaa dharkii iskuulka, taasoo lagu muujinayey ahaanshaheediii astaan waxbarasho.
Salaadda jinaasadda kadib, waxaa loo qaaday Meydkeeda qabuuraha si loo aaso, iyadoo loo duceeyey, docda kalana laga taariikh warramay waayahadii nololeed rabbi ha u naxariistee Xaawo Aadan Camey, waxayna ka tagtay taariikh iftiin badan oo waxqabad ummadeed ah, taasoo dhignaan doonta, lana kala dhexli doono isku-warinteeda.
Daljir Media


COMMENTS