Sucuudiga oo durba ay ka dhamaadeen Rasaastii Difaaca Hawada xili dagaalka goos gooska ah ee Ansar-Allah uu kula jira Sucuudiga uu socda asbuuc, waxay caawimad rasaasta difaaca hawada weydsteen Masar.
Boqortooyada Sucuudiga oo Dagaalka uu kasoo gaadhay qasaara baaxad leh ayaa waxaa ka dhamaaday rasaasta hubka difaaca hawada oo ay iskaga ilaalinayeen duqeymaha gantaallada iyo diyaaradaha Drones-ka ay Ansar-Allah ku weeraraan Sucuudiga.
Boqortooyada ayaa dowlada masar weydiistay laba arrimood oo ah inay duqeymaha hawada ee lagu qaadaya Ansar-Allah ay ka caawiyan iyo rasaasta Difaaca hawada in lasiiyo Sucuudiga.
Sucuudiga ayaa ku guul dareystay codsayada 4 dal oo uu ugudbiyay inay ka caawiyaan dagaalka oo ay kusoo biiraan.
Waxaa sidoo kale shaqeyn waayay Isbahaysi magac uyaal ahaa oo ay Sucuudiga lagu dhisay dhowaan kaas oo ay ku mideysnaayeen Pakistan, Turkiga iyo Sucuudiga kaas oo mabaadi’diisu ahayd hadii 3daas dal mid la weeraro inay ka dhigan tahay in 2da kale laweeraray oo dagaalka ay kusoo biirayaan.
Dowladda Iran ayaa ka digtay in dal kale uu kubiira dagaalka Sucuudiga iyo Yemen, taas oo keentay in la isku daawada labada dhinac.
Boqortooyada Sucuudiga oo daaladhaceysa ayaa marba meel cuskaneysa dagaalkana waa bilow.


COMMENTS