Wasiirada Arrimaha Bulshada Dowladda Jabuuti owfa Ismaaciil oo Aljazeera la hadashay ayaa sheegtay in dowladda Jabuuti anay awood ay ku maareysa uhaynin dadka qaxootiga Yamaniyiin ah ee dalkaas kusii qulqalayay asbuucyadii ugu dambeeyay iyaga oo naftooda kala baxsanayay dagaalka dalkaas.
Tirafa Qaxootiga oo sii kordhaysa darteed waxaay sheegtay Jabuuti in loo baahan yahay gargaar deg deg ah oo bani’aadanimo.
Jabuuti ayaa dalalka Carabta iyo Aduunka kaleba ugu baaqday in deg deg gargaar loogu helo dadkaas.
Qaxootiga Yamaniyiin ayaa hadda lagu aruuriyay magaalada ubakh ee Waqooyiga Jabuuti.
Tirada dadka Qaxootiga Yamaniyiin ah ee ilaa hadda dalkaas gaadhay ayaa tiradooda gaadhay 2700 oo qof Qoys.


COMMENTS