26,000 oo qof oo kunool xeyaha Barakaca ee Baydhabo oo laga cabsi qabo inay wajahaan gaajo iyo macaluul ba’an

26,000 oo qof oo kunool xeyaha Barakaca ee Baydhabo oo laga cabsi qabo inay wajahaan gaajo iyo macaluul ba’an

Hay’adda IPC ayaa sheegtay in kumanaan qof oo barakacayaal ah oo ku sugan Koonfur-galbeed Soomaaliya ay wajahayaan khatar macaluul ah ka hor dhammaadka sanadkan.

Sida ay Sheegtay Hay’adda Kumanaan qof oo barakacayaal ah oo ku sugan Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay la kulmaan macaluul inta u dhaxaysa bilaha Oktoobar iyo Disembar haddii saameynta cimilada El Niño ay keento daadad ka daran intii la filayay, isla markaana gargaarka bini’aadantinimo uu sii ahaado mid aan ku filnayn.

Baydhabo, oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Soomaaliya, ayaa hoy u ah boqolaal kun oo qof oo ku barakacay colaado ay ugu dambeysay tii dhowaan ka dhacday Baydhabo iyo Xaaladaha adag ee noolasha.

Warbixin ay soo saartay hay’adda IPC oo ah nidaamka qiimeynta heerarka amniga cuntada oo ay wadajir u maamulaan hay’adaha Qaramada Midoobay, ururada gobolka iyo kooxaha gargaarka ayaa sheegtay in 5% dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Baydhabo—oo u dhiganta qiyaastii 26,000 oo qof ay u badan tahay inay wajahayaan gaajo ba’an iyo burbur ku yimaada hab-nololeedkooda inta u dhaxaysa bilaha Oktoobar iyo Disembar ee sanadkaan.

Warbixinta Hay’adda ayaa xustay inay in ka badan 5 milyan oo Soomaali ah oo u dhiganta 26% dadka la qiimeeyay ay haddaba wajahayaan heerka dhibaatada kadhalata Cunta yari taas oo ka dhalatay abaaro soo noqnoqday, colaado, iyo dadka oo an helin gargaar aan ku filan.

Tirada dadka wajahaya cunto yarida ayaa sida ay sheegtay Hay’adda IPC la saadaalinayaa inay gaarto 5.4 milyan oo qof inta u dhaxaysa bilaha Oktoobar iyo Disembar ee sanadkaan.

Soomaaliya ayaa markii ugu dambaysay wajahday macaluul sanadkii 2011-kii, xilligaas oo ay dhinteen Sida ay IPC kuwarantay qiyaastii 250,000 oo qof, waxayna xaalad macaluul ah ku dhawaatay sanadihii 2017 iyo 2022.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com