Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ka digay in mareykanka iyo isr***l ay talaaba qaldan qaadaan iyaga oo sheegay in markaan ay dhamaatay hanjabaadii afka ahayd.
“Waa dhammaaday waqtigii hanjabaadaha afka ah fal kasta oo gardarro ah waxaan kaga jawaabi doonaa tallaabo xanuun badan oo ba’an.” ayaay yidhahdeen Ilaalada Kacaanka Iran.
Warsaxaafadeed ay mar dhow soo saareen oo lagu xusayay sannad-guuradii labaad ee Hawlgalkii ‘Ballan-qaadkii Dhabta ahaa ee labaad (Operation True Promise 2), ayay IRGC-du ku nuuxnuuxsatay in hawlgalkaas uusan kaliya ahayn ciqaab adag oo looga jawaabayo gardarada iyo dambiyada cadawga.
Ilaalada Kacaanka waxay carrabka ku adkeysay in hawlgalkan istiraatiijiga ah uu soo bandhigay awoodda gantaallada Iran iyaga kutilmaamay Mareykanka iyo Isra***l inaay yihiin Cadawga 1aad ee ay leeyihiin dadka reer iran.
Ilaalada Kacaanka Jamhuuriyada islaamiga ah ee iran ayaa waxay noqotay tiirka awoodda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee iran.
Ilaalada Kacaanka iran ayaa xaqiijisay in ay haystaan awood buuxda oo dhanka militry iyo sirdoonka ah.
Sidoo kale ilaalada kacaanka ayaa sheegay in sirdoonkooda uu haya dhamaan siraha hantida iyo goobaha Mareykanka iyo Isra***l iyo waxyaabaha ay qorsheeyeen.
“Waxaan diyaar unahay inaan bixino Jawaab xanuun badan, oo noqon doonto mid laga shallaayo, isla markaana ka daran tii Hawlgalkii ‘Ballan-qaadkii Dhabta ahaa ee 2aad haddii ay timaaddo hanjabaad, gardarro, ama xisaab-xumo kasta oo ka timaadda dhinaca cadawga.” ayaa lagu yidhi War saxaafadeedka ilaalada Kacaanka iran.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay hoggaamiyahii iran shahiid Ayatollah Cali Khamenei iyo dhowr ka mid ah taliyayaasha sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iran oo ku shahiiday dagaalladii dhawaa kuwaas oo ay sheegeen in u aaristoodii anay wali dhamaan ayna ugu aari doonaan dad ay xanuun badan ku dareemi doonaan mareykanka iyo Isr***l.
Mohamed Koronto | Daljir Media


COMMENTS