Iran: “Mareykanka soojeedino Cusub ayuu noosoodiray, laakiin dib uma furi doonno Hormuz ilaa shuruudaheenna laga buuxiyo.”

Iran: “Mareykanka soojeedino Cusub ayuu noosoodiray, laakiin dib uma furi doonno Hormuz ilaa shuruudaheenna laga buuxiyo.”

Afhayeenka Baarlamaanka jamhuuriyada islaamiga ah ee Iiraan Maxamad Baqir Qalibaf ayaa shaaca ka qaaday in Iran ay soo gaadheen soo jeedin cusub oo Mareykanka katimid iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyayaal.

Soo Jeedinta Mareykanka ayaa kusabsan Furitaanka marinka Hormuz oo mudo u xidhan dowladda iran.

Gudoomiyaha Baarlamaanka jamhuuriyada iran ayaa sheegay in Iran aysan dib u furi doonin Marinka Hormuz ilaa toddobada shuruudood ee ku xusan Heshiiska Isfahamka ee Islamabad lagu gaadhay lafuliyo.

Qalibaf ayaa yiri, “Washington waa inay ogaataa in xilligii soo jeedinta dalabkooda halka dhinac ah uu dhamaaday marka hore waa in la fuliyaa dalabkeenna dalabkaas ayay wax walba kuxidhan yihiin,”

Mohamed Koronto | Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com