Sarkaal Sare oo wata ciidamo tira badan oo ka goostay RFS ta imaaradka Carabta uu taageero ee Suudaan.

Sarkaal Sare oo wata ciidamo tira badan oo ka goostay RFS ta imaaradka Carabta uu taageero ee Suudaan.

Xili ay sii daciifeysa awooda kooxda uu taageero imaaradka Carabta ee kadagaalanta Suudaan ee RSF loogana adkaaday dagaalo badan oo ay lagaleen militry-ga Suudaan ayaa waxaa maanta ka goostay kooxdaas Gaashaanle Dhexe Maxamed Azraq Al-Fanjari, oo ahaa taliyaha cutubka howlgalada gaarka ah ee kooxda RSF.

Sarkaal kaan oo goosashadiisa kadib soo duubay muuqaal wuxuu ku sheegay inuu ka goostay maleeshiyaadka RSF iskuna dhiibayo Milatariga Suudaan.

Sarkaalka ayaaa xusay inuu la goostay 300 oo ciidan ah oo ay kamid yihiin saraakiil iyo 30 gaadhi nooca Dagaalka ah.

Maleeshiyada RSF ayaa jab kala kulantay dagaaladii ugu dambeeyay.

RSF ayaa kamid ahayd Ciidamadii uu imaaradka magaca Suudaan kugeeyay dalka Yaman iyaga oo garabsiinayay isbaheysigii Carabta ee dalka Yaman galay 2015kii kuwaas oo dhibaata ka geystay dalkaas.

Mohamed Koronto

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com