Dawladda Yaman ee Ansar-Allah oo qaarka u saaran inay la wareegto Taacis

Dawladda Yaman ee Ansar-Allah oo qaarka u saaran inay la wareegto Taacis

Dawladda Yaman ee Ansar-Allah ee fadhigeedu yahay caasimada Sanca oo qarka u saaran in ay la wareegto magaalada istaraatijiga ah ee Taacis

Kaddib la wareeggii Ansar-Allah la wareegtay 99% gobolka Taacis, iskuna hareeraysay magaalada Taacis, waxaa bilowday wada xaajood saddex geesood ah oo u dhexeeya ururka Islaax ee garabka dawladda dibadjoogga ah ee Sucuudigu aqoonsanyahay, dawladda dibadjoogga ah iyo Ansar-Allah. Xoogaga difaacaya Taacis oo u badan kuwa Islaax waxaa loo ogolaaday in ay hubkooda la aadaan Cadan, wixii magaalada ku harayana ay gadiidka la haraan, laakiin hubka wareejiyaan. Qorshahaas oo hadda qayb ka hirgalay waxaa caqabad ku noqday maleeshiyaadka qabiilada la jira dawladda dibadjoogga ah oo ayaguna dalbaday in loo oggolaado in ay hubkooda haystaan, laakiin talada magaalada ay la wareegaan dawladda Ansar-Allah.

Wararkii uuu danbeeyey ee ka imaanaya Taacis ayaa hadda sheegaya in ay u dhowdahay in heshiis buuxa la gaaro waaberiga kahor, magaaladana ayada oo aan xabbadi dicin lagu wareejin doono Ansar-Allah.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com