Dowlada iran oo soo dhoweysay isbahaysiga makka ee Sucuudiga uu hogaamiyo iyaga oo tilmaamay in loo baahan yahay inay midoobaan muslimiinta.
Madaxweynaha iran ayaa Mascuud Pezeshkian ayaa sheegay in loo baahan yahay intii ay dagaalami lahaayeen muslimiinta ay tahay in ay midoobaan oo ay yeeshaan siyaasad mida.
Iran ayaa sheegtay inay daneyneysa isbahaysiga Makka iyada oo ka duuleysa midnimada muslimiinta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran Masoud Pezeshkian ayaa yidhi .
“Tani waa tallaabo horay loo qaaday, Muslimiintu waa inay midoobaan, Waxaan diyaar u nahay inaan ka qayb qaadanno geedi socodkan, waxayna tani noqon kartaa talaabo loo qaaday dhinaca isu soo dhowaanshaha Muslimiinta iyo xaqiijinta midnimada Islaamka, halkii ay muslimiintu ukala qaybsami lahaayeen labo garab oo isdagaala.”
Mascuud Pezeshkian Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iran ayaa xusay in loo baahan yahay in lawada fadhiista oo muslimiinta isku raacaan in laraaca amarada alle taas oo uu tilmaamay in ay guul uhorseedeysa muslimiinta.


COMMENTS