Carabta Khaliijku ma dalal madaxbannaan baa, mise u madaxbannaanyihiin lacagahooda shidaalka? Maxaa loo oggolyahay in ay lacagahooda ku gataan, maxaan se loo ogolayn?

Carabta Khaliijku ma dalal madaxbannaan baa, mise u madaxbannaanyihiin lacagahooda shidaalka? Maxaa loo oggolyahay in ay lacagahooda ku gataan, maxaan se loo ogolayn?

Dad badan waxa ay isweydiiyaan waxa Carabta Khaliijka, oo la sheego in ay yihiin dalalka adduunka kuwa ugu qanisan, ku khasba in ay si toos ah isugu dhiibaan Mareykanka iyo Yhda, qaybna ka ahaadaan dagaalka ay ku gubteen ee Iran, iyo waliba taageerada maaliyadeed ee ku taakuleeyeen argagixisada IS^IS iyo al-Qaciida. Taageeradooda siyaasadda Mareykanka iyo Yhdu ma mid ay siyaasad ahaan aaminsanyihiin baa, mise waa qoor-dhiibad?

Jawaabtu waa mid sahlan laakiin dad dhif ah ay ogyihiin, hadda kahorna aan laga maqal afka dad ka agdhow madaxda Carabta, siiba Qadar. Ogow Qadar waa dal safka hore uga jira dalalka adduunka ugu taajirsan, kana taajiray dhoofka shidaalka, siiba gaaska dabiiciga ah. Laakiin taajirnimadu ma aha mid ay u madaxbannaanyihiin, una adeegsan karaan maaliyaddaas sidii ay dalkooda ugu hormarin lahaayeen, oo dhammaan lacagahooda shidaalku waa kuwo ku xanniban bangiyada Mareykanka.

Sida uu sheegay sarkaal sare oo Qadar, Carabta Khaliijka lacagahooda shidaalku waxay toos ugu dhacaan Bangiga Dhexe ee Mareykanka (US Federal Reserve Bank), mana aha lacago ay u madaxbannaan yihiin in sidii ay rabaan ula baxaan. Carabta waa loo yeeriyaa, loona maamulaa sida iyo waxa ay lacagahooda ku kharashgareyn karaan. Marka laga tago kharashaadka joogtada ah ee dawladda, sida mushaaraadka, ahna miisaaniyad loo gudbiyo Mareykanka, Mareykankuna uu oggolaado, una soo diro si bille ah, waxaa kale oo kaliya ee Carabta loo oggolyahay in ay lacagtooda ku bixiyaan mashruucyo aan faa’iido badan dalka u lahayn, sida tartamada ciyaaraha (xasuuso Qadar World Cup), feerarka, saraha dhaadheer iyo hoteelada, iyo wixii soo hara oo loo sheego in ay hub ku gataan, hubkaas oo xataa aan ahayn mid ay dalbadeen, uu se yahay mid dusha looga keenay oo aysan aqoontiisaba lahayn.

Haddii hoggaamiye Carbeed uu damco inuu balaayiintiisa doolar ku maalgeliyo warshado cusub, maraakiib-dhis (shipyards), iyo mashaariic istiraatiiji ah oo horumarineed ama warshadeed, sargaalku waxa uu sheegay in Maraykanku uu diido maalgalinta noocaas oo kale, iyo maalgalin kasta oo suurtagalisa in uu dalku noqdo mid isku filan.
Mar haddii balaayihiin doolar bangiga u taal, aysanna wax warshado ah ama xataa jaamacado takhasus aan loo oggolayn yagleelkooda, hoggaamiyaha Carbeed waxaa lagu khasbaa inuu balaayiintiisa ku bixiyo riwaayado, tartamo ciyaareed, fasahaad, muusiko, iyo hudheello lagu raaxaysto.

Tusalayaasha la yaabka leh ee Carabta lacagta looga khasaariyo waxaa kow ka ah Sucuudiga iyo Qadar oo Qadar markii ay lacagta meel ay kala dhigto weyday, la se bixi weyday waxayba isku deyday in ay Trump laaluushto, ayaga oo u gaday diyaarad weyn oo raaxo oo lacagteeda lagu qiyaasay ku dhawaad $1 bilyan USD. Trump wuxuu Qadar ugu abaalguday in uu bilaabo dagaal sababay in Qadar ay shidaalkiiba dhoofin weydo.

Sucuudiga asna sida la qiyaasay tan iyo sidii uu xukunka ula wareegay Maxamed bin Salmaan, waxaa lacagtii looga khasaariyey mashaariic hadda wada istaagay oo ay kamid yihiin, ‘The Mukaab ama Cube (dhismo raaxo oo Kacbada loo ekaysiiyey)’, the NEOM, the line, Qaddiyah (magaalo dhan oo ciyaaraha kaliya loogu talagalay), iyo Sindalah oo ah jasiirad raaxo. Mashaariicdaas oo la sheegay in ay galeen miisaaniyad kor u dhaafaysa $2 tirilyan ayaa wararkii ugu danbeeyey sheegayaan in dhammaantood ay fashil qarka u saaranyihiin, qaarkoodna ayba fashilmeen ayaga oo wada qalfoof ah.

Imaaraadku dhan waa kalamid Sucuudiga iyo Qadar, dhanna waa kaga duwanyahay oo lacagaha Imaaraadka waxaa si toos ah Mareykanka iyo Yhdu ugu isticmaalaan duminta dawladaha Islaamka iyo kala dhantaalkooda, sida Libya, Soomaaliya, Sudan, Suuriya, Yaman iyo Iran. Dhammaan qorshayaasha loo dajiyey dawladahaas ayaa ah in aysan innaba helin wax xasilooni ah, amaba loo kala jaro dawlado yaryar oo midba goonidiisa loo maamulan karo.

Imaaraadka waxaa kale oo hadda qorshahooda ku soo biiray dawladaha Saaxilka ee Burkina Faso, Mali iyo Niger oo dhammaantood hadda laga adeejiyey aragagixisada IS^IS, waxaa se hadda si toos ah Niger ula saftay Aljeeriya oo sheegtay in ay xiriirkii u jartay Imaaraadka si ay uga hortagto qorshayaasha silloon ee ay gobolka ka fulinayaan. Aljeeriya oo xiriir dhow la leh Ruushka iyo Shiinaha ayaa hadda ah, marka laga reebo Yaman, dawladda kaliya ee Carbeed ee ka maddaxbannaan siyaasadda Mareykanka iyo Yhda.

Haddii aad hore ula yaabaneyd waxa haysta Carab ee ku khasbay in ay xabbad dhafoorka iska saaraan, wax hormar ahna ay gaaraan, dhan warshado ama dhan cilmi, haddaba ha yaabin.

> Maxamed Cali, Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com